Post View....

Guddoomiyihii ugu Da’da Yaraa iyo Midkii ugu Da’da Weynaa oo Maalin Qura loo kala Magacaabay Degmooyin ka Tirsan G/Banaadir

0
128

Sheeko aad u xiiso badan oo dad badan soo jiidatay ayaa shalay ka dhacday Xarunta looga arimiyo Maamulka G/Banaadir, arintaasi ayaa ka dhalatay kadib markii maalin qura laba ka mid ah Degmooyinka G/Banaadir loo kala magacaabay Guddoomiyihii uga da’da yaraa iyo midkii ugu da’da weynaa maamulka Degmooyinka G/Banaadir.

Nasiib wanaag Degmada Xamar Ja-jab ayaa heshay Guddoomyihii ugu da’da yaraa Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir, Guddoomiyaha cusub ayaa la yiraahdaa Guhaad Sheikh Xasan, waa ah nin dhallinyaro ah oo fir-fircoon, caan waxa uu ku yahay shaqo jaceyl & hufnaan, hubaashii waa aqoonyahan hawlkar ah oo la filayo inuu wax badan ku soo kordhin doono Degmadaasi.

Dhinaca kale Masuulka loo aqoonsaday inuu yahay ninka ugu da’da weyn Guddoomiyaasha G/Banaadir ayaa lagu magacaabaa Muuse Geesey Jimcaale oo hogaamin doono Degmada Yaaqshiid, da’ahaan waxaa lagu sheegay inuu jiro Toddobaadan sanno, masuulkaan ayaa ka tirsanaa xooggaga loogu yeero Waddaniyiinta, horeyna waxa uu uga soo shaqeeyay qaar ka mid ah Degmooyinka G/Banaadir.

About Author