Post View....

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

0
116

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdiga Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa,waxaana Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba Daareed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ma jiro wax faahfaahin oo Xafiiska Warbaahinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka bixiyay Ujeedka uu Guddoomiyaha u gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland.

Hayeeshee inta uu halkaas ku sugan yahay Gudddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas.

About Author