Post View....

GOS oo ka Shiray Tokyo 2020

0
130

Kulankan ayaa Diiradda loogu saaray Xaaladda Isboortiga Dalka gaar ahaan Guulaha iyo Hadafyadii ay dejisay GOS 2017-2020 oo ahayd sidii loo tiigsan lahaa Tokyo 2020 iyo waxa ka qabsoomay Xilligan.

Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa isku raacay inay muuqato Ifafaalo wanaagsan oo lagu talaabsaday mudadii labada sano iyo barka ah oo la gaaray in Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud la geliyo Xero Tababar islamarkaana Dibadda ay ku soo qaataan Tababaro heer Sare ah iyo iyagoo Tartamo kala duwan Bilado Dahab, Qalin iyo Maar ka soo Hoyay, Sidoo kale Tababarada Xagga Maamulka ee Xiriirada iyo Ururada Isboorti ee Dalka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa ka mid ah Sadexda dal ee ugu horumarsan Xagga Maamul Wanaagga iyo Daahfurnaanta Isboorti Dalalka Africa ama Guddiga Olambikada Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan ANOCA.

SNOC Tokyo2020

About Author