Post View....

Dilal ka dhacay Magalada Muqdisho & Gobolka Shabeellaha Hoose

0
137

Rag hubeysan ayaa tuulada lagu Magacaabo Sagaalaad oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Nin Oday ahaa oo Caan ka ahaa tuuladaas,kaas oo lagu Magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa,waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in Ninka la dilay uu mar Guddoomiye kasoo noqday Tuulada Sagaalaad ee lagu dilay,,iyada oo xilliga la dilayay uu kasoo baxay Masjid uu salaad kusoo dukaday.

Waa dilkii labaad oo mudo laba bilood gudahood ka dhaca tuuladaas,waxaana dhamaadkii Bishii Ramadaan ay tuuladaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Cismaan Xaaji Qaasim oo kamid ahaa odayaasha ku nool deegaankaas.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Guddoomiyihii Maxkamada gobalka Shabeelada hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Saciid Cumar Xasan,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in dadkii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadeen,isla markaana Ciidamo ka tirsan Booliska ay meydka goobta ka qaadeen.

Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada dilalka ka dhacay Tuulada Sagaalaad ee degmada Afgooye Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir,hayeeshee waxaa inta badan dilalka noocan oo kale ah sheegta Ururka Al-Shabaab.

About Author