Post View....

Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Boosaaso

0
112

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ilaalo u ah koox dadka tahriibisa,waxaana uu ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga toosan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn Ciidamada Puntland oo waday howlgal ka dhan ah Kooxaha wax tahriibiya iyo maleeshiyaadka ilaalada u ah,waxaana dagaalka ku dhintay laba ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Boosaaso ayaa waxa ay soo sheegayaan in Ciidamada puntland ay howlgalka ku baadi goobayeen Koox ka tirsan kuwa wax tahriibiya oo lagu tuhmayay dilka askari katirsanaa Ciidamada madaxtooyada loogu gaystay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Ammaanka Puntland ay u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah dadka wax tahriibiya iyo maleeshiyaadka ilaalada u ah iyo mid ka mid ah gawaarida dagaalka oo ay wateen.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid caadi ah,waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin,isla markaana ay ka wadaan Howlgal ka dhan ah kuwa wax tahriibiya.

Punland ayaa tira ka dhowr jeer shaacisay inaysan marnaba ogolaan doonin in deegaanadeeda wax laga tahriibiya,waxaana ay musaafuriyeen Tahriibiyaal Itoobiyan ah oo doonayay inay ka tahriibaan Xeebaha Magalada boosaaso ee Gobolka Bari.

About Author