Post View....

DEG DEG:-Kooxo Hubaysan oo goordhow Degmada Dharkaynlay ku dilay Nin Ganacsade ah.

0
104

Kooxo hubeysan ayaa Goor dhow gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir waxay ku dileen Nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilkan uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaas,isla markaana ay Ninka Ganacsade ahaa u geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Sidoo kale Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa la tilmaamay in goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen,waxaana Meydka Marxuumka halkaas ka qaaday Dad shacab ahaa oo xiligaas goobta ka Agdhawaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu falka ka dhacay,isla markaana waxaa halkaas ay ka wadaan baaritaano la xiriira dilkaas ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Ninka Ganacsada ahaa,hayeeshee dilkaas loo geystay ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa dilal horey uga dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

About Author