Post View....

DABALDEGGA MAALINTA XORNIMADA & MIDNIMADA UMMADDA SOMALIYEED OO LAGU QABTAY DAWLAD GOBOLEEDKA ARIZONA – 1da July 2019

0
123

Madal si heer sare ah losoo agaasimay ayaa lagu qabtay Xarunta Golaha Midnimada Somali-American ee Arizona (SAUC), tasoo ka qayb galkeeda aysan u kala Karin Bulshaweynta Somaliyeed ee Arizona (Culimada, issimo, haldoor, indheergarad, hoyooyin iyo dhallinyaraba).

Waxaana Khadka kaga soo qayb-galay Sarreeye Gaas Dahir Aden Cilmi “Indhaqarsho” oo halkaas erayo qiiro iyo xamaasad geliyay ka qayb galayaasha Madasha Dabaaldegga, uguna hambalyeeyay Munaasabada Maalinta Xornimada iyo Midnimada Ummadda Somaliyeed.

Madasha waxaa daadihineysay Nafiso Maxamud “Bella” IYO Cabdikarin Abukar Aden, waxaana tariikhda Somaliyeed kusoo bandhigay Dhallinyadrada “Leaders for Life” oo ay Guddoomiye u tahay Shukri Abdulqadir Mohidin.

Waxaa erayo qiima leh ka jeediyay Prof. Maxamad Cali Abukar, Sheikh Farax, Sheikh Axmad, Inj. Cumar Sadiiq iyo Prof. Mudey. Waxaa murtida xageeda qayb libaax qaatay Tallman, Shacni, Jamiilo, Halima Musse,Maryan Mutuwana iyo Jaamac Askari oo XDS matilayey.

Dabaaldeggu wuxuu ku soo dhammaaday farxad iyo raynreyn iyo talo loo wada-dhanyahay ”Somalia ha Nolaato”

Mahadsanid!
SAUC COMMUNICATION UNIT

About Author