Post View....

Daawo: Suldaan Wabar oo Ciidamada Somaliland ugu baaqay iney isaga baxas Awdal iyo Gabiley

0
109

Suldaan Wabar oo ka mid ah Salaadiinta waaweeyn ee gobolka Awdal ayaa ugu baaqay Maleeyshiyada Hargeisa ee isku magacawda “Somaliland” ineey ka baxaan dhamaan gayiga Awdal illaa Gabiley.

Suldaanku wuxu sheeqay in dadka shacabka Soomaaliyeed aay yihiin dad walaala ah, laakinse aan la aqbalin karin koox Mafia ah oo dadka boobeeysa, macdantoodana guraneeysa, rabtana ineey Maafiyada caalamka u kaashato sidii dhawaan safarkii aay ku tageen Gini oo kale.

Wuxuu kale aw sheegay in macdanta gobolka Awdal aay tahay khaayraadkii ummada Soomaaliyeed ooy Soomaaloo dhan ka dhaxeeyso.

Suldaanku wuxuu intaa ku daray in kooxda Hargeisa aay dadka kula dhex jiraan isku-dir, iyo fitno, ujeedada ka danbeeysaana aay tahay qeeybi oo xukun. Suldaanku wuxu dhalinyarta ugu baaqay ineey digtoonaadaan, dhulkoodana difaacdaan.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=PPMg6337mgg?feature=oembed&w=696&h=392]

About Author