Post View....

Ciidanka Dowlada ayaa si buuxda loogu wareejiyay Amniga Magaalada Dhuusamareeb

0
123

Raisalwasaare Kheyre iyo Madaxa xukuumada Shiikh Shaakir ayaa goobta joogay.

Madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir oo goobta ka hadlay wuxuu ciidanka u sheegay in ay ciidan dowlo yihiin loogana baahanyahay in ay amniga dadka kan deegaanka iyo kan dowlada ilaaliyaan.

Raisalwasaaraha oo ciidan xoogan oo isku dhexjira iskuna dhafan kula hadlay xarunta nabad Sugidda iyo xerada booliska ayaa faray talisyada kala duwan ee ciidamada qalabka sida in ay si deg deg Dhuusamareeb ula soo gaaraan agabyada kala duwan ee ciidamadu isticmaalaan.

Arinka ugu muhiimsan ee Raisalwasaaruhu goobta ka sheegay waxa ay aheyd in bisha maanta 16ka mareysa marka ay gaarto 30keeda, ay dhammaan ciidamada la qarameeyay qaadan doonaan mushaarkoodii ugu horeeyay.

About Author