Post View....

Ciidamada Puntland oo Faarujiyay deegaano ay kaga sugnaayeen Gobolka Sool

0
126

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay faarujiyeen deegaano ay kaga sugnaayeen gobolka Sool waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay sameeyeen gadood isla markana ay ka baxeen fariisimo ay ku lahayeen gobolka Sool oo ay ka mid tahay deegaanka Tukaraq sababo la xiriira cabasho xagga mushaaraadka ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa waebaahinta u sheegay in ay halkaas ku sugnaayeen dhowr sano isla markaana ay kula dagaalamayeen Somaliland intii ay ku jireen aagagga dagaalkana aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen.

Dhanka ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda maamulka Puntland oo ay uga hadlayaanwaxa ka jira in ciidamo gadoodsan ay baneeyeen fafriisimo ay ku lahaayeen gobolka Sool iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan heysata dhowr bilood.

About Author