Post View....

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo soo Afjaray weerarkii Hotel Cas-caseey ee Magaalada Kismaayo.

0
105

Ciidamada ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo Afjaray weerarkii shalay gelinkii dambe rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cas-caseey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Weerarkaas oo qaatay saacado badan ayaa marka hore waxaa uu ku Bilowday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay Albaabada Hotelka,isla markaana waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay Hotelka.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana sidoo kale gudaha Hotelka lag soo badbaadiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Kismaayo,Xidhibaano ka tirsan Jubbaland,Odayaal dhaqmeed iyo xubno kale oo Mas’uuliyiin ah.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ku jiray Wariye Hodan Naaleeye, Seygeeda oo isna ahaa Nin Ganacsade ah iyo Maxamed Cumar Sahal Gacmo Dheere oo u shaqeyn jiray TV-ga SBC iyo Radio Ergo iyo dad kale oo shacab ah.

Dhinaca kale dadkii ku dhaawacmay Weerarka ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada waaweyn eek u yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

War qoraal ah oo lagu qoray baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotelka Cas-caseey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

About Author