Post View....

Caqabadaha Ugu Badan Ee ONLF Sugaya Kahor Doorashada 2020

0
110

Ugu horayn ONLF waxa ugu wayn ee sugaya waa qabashada shirwayne urur, kaasoo ay lagama maarmaan tahay in masuuliyiinta ururku ay xubnaha iyo taageerayaasha ururka ee siyaasadii dagalaaka, kuqanciyaan siyaasada nabada iyo lajaanqaadka wakhtiga.

Waxaana Muhiima Inuu Shirwaynaha Kasoobaxo.
1. Diyaarinta xeer hoosaad xisbi siyaasadeed.
2. Diyaarinta qorshe siyaasadeed oo cad.
3. Dhismaha muwaaqirka xisbi siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka dalka iyo deegaan iyo sharciga diiwaan galinta asxaabta iyo doorashooyinka.
4. Qancinta xubnaha ururka.
5. Qorshe cad oo uruku kubaadi doono dadkii la,aragtida ahaa balse hogaanka kabiyo diiday.

*Intaasi kadib ONLF waxaa horyaala Arimahan Hoose.

1. Arimaha dhaqaalaha ururka.
Hadii ONLF ay buuxiso shuruuda xisbinimo waxaa ay waayi doontaa xoriyadii ururka, waxaana sitoosa isha ugu hayndoona xisaab bangiyeedka ururka iyo dhaq dhaqaaqa dhaqaale ee ururka NEBE (Golaha Doorashooyinka Itoobiya) taasoo meesha kasaaraysa dhaqaalaha siyaabaha kale kusoo galijiray ururka, waxaana lagu qasbi doonaa inay ONLF latimaado tirada xubnaha joogtada ah ee ururka kuwaas oo dhamaan daljiig itoobiyaan ah iyo qiimaha qaaraanka ee bilaha ah. Dhankakale ONLF ilaa ay kuraas kuguulaysato mahelidoonto kaalmada xisbinimo ee dhanka dawlada. Waana arin xal ubaahan.

2. Arimaha sharciga deegaanka, dalka iyo doorashooyinka Ee Xubnaha ururka.
Intabadan masuuliyiinta ururka ONLF waa kuwo haysta dhalasho wadamo kale, umana muuqdaan kuwo katanaasulaya masuuliyada ururka, sidookale maaha kuwo ilaa hada katanaasulay sharciyada wadamada kale ee ay haystaan, arintaasina waa caqabad taagan oo ONLF aysan ilaa hada wajihin. Sida kucad dhamaan shuruucda dalka iskadaa in qof dhalasho kale haysta doorasho loo ogolaadee hadii xisbiga laga helo qof xubin ka ah oo dhalasho wadankale haysta xisbigaasi wuxuu waayayaa sharciga NEBE. Waa arin xal iyo go,aan cad ubaahan.

3. Arimaha diiwaan galinta xubnaha iyo helitaanka sharciga tartanka lagu galo.
Sidaan filayo ONLF waxaa uqorshaysan inay DDS iyo maamulka Diridhaba xisbi ahaan uga tartamaan, taasoo kadhigaysa xisbi qaran maadaama Diridhaba aysan sharci ahaan kamid ahayn deegaanka soomaalida. Waxaana ONLF horyaala inay latimaado dhamaan shuruudaha diiwaangalinta waxaase ugu cuslaan doona helitaan 10,000 oo xubnood kuwaas oo magacooda, aqoonsigooda itoobiyaanka ah, ciwaanada laga helo iyo saxeexooda laga rabo inay ONLF latimaado, waxaana xusid mudan in NEBE ay xaqiijin doonto dadkan lasoo diiwaqn galiyo. Laga yaabo inay kula tahay wax fudud lkn maaha mid fudud.

4. Habdhaqanka xisbiga iyo xubnaha xisbiga.
Marka ONLF ay noqoto xisbi fiiwaan gashan oo siyaasadeed waxaa xusid mudan in xisbigu uu noqon foono mid 100% uhogaansama sharciga deegaank,dalka iyo shuruucda doorashooyinka waxaana lagama maarmaan ah in ururku uu badalo luuqadii hore ee dagaalka taasoo hadii ururku kagudbi waayo caqabad dhanka sharciga ah ku noqonaysa.
Tusaale ahaan Hadii ay dhacdo in masuul xisbiga kamid ah uu kudhawaaqo odhaah lidi ku ah jiritaanka qaranka itoobiya waxay noqon doontaa mid ONLF lagula xisaabtamo. Waxaa intaasibdheer xal uhelida saxaafada ururka oo kabixidoonta mulkiyada xidbiga.

5. Gaditaanka siyaasada ONLF.
ONLF waxay ubaahan tahay inay latimaado qorshe siyaasadeed oo cad kaasoo soocelinkara xubnaha ururka horay uga yaacay, islamarkaana abuuri kara xubno iyo taageero cusub oo xisbigu helo. Waayo ONLF inay xilka deegaanka qabato ama wax kuyeelato kuma xidhna soomaalida Facebook isticmaasha waxay ku xidhantahay bulshada deegaanka soomaalida, kuwaas oo ubaahan in aragti siyaasadeed iyo himilo laga iibiyo.

6. ONLF waxaa muhiima inay garwaaqsato in dagaalkii 30 sano ee lasoo dhaafay uu ahaa mid aysan shacabka deegaanku kuwada qanacsanayn, islamarkaana uu ahaa mid gaar u,ah ONLF iyo dadka lahadafka ah. Waxaana daruuri ah in ONLF latimaado qorshe ay taageero kaga helayso bulshada deegaanka, sidookale ONLF waa inay latimaado qorshe cad oo ay kula xaalayso shacabka soomaaliyeed ee si-dadban iyo sitoosaba dhibaatadu uga soo gaadhay gacabta ONLF. Waxaana intaasi dheer in ururku layimaado aragti xadaari ah oo ogol in lakala aragti duwanaado, xitaa xubnaha ururka dhexdiisa.

7. ONLF waxay ubaahantahay xulafo siyaasadeed oo ay layeelato asxaabta kale ee dalka taasoo kusalaysan aragti iyo fikir siyaasadeed, maadaama aysan suuragal ahayn inay ONLF oo suleebin ahi labaratanto xisbi xulafo la,ah hogaanka 8 deegaan oo kale.

Dhamaan qodobadan aan kor kusoo sheegay iyo kuwo kale oo badan waxay lagama maarmaan uyihiin in ONLF ka,gudubto jabhad dirireed una gudub xusbi siyaasadeed oo aragti iyo hadaf gadi kara lehna hiigsi iyo himilo kafog erayo beer laxawsi ah oo bulshada dhagahooda lagu rido.

SDM
Abdirahman Ismail Editor in Chief

About Author