Post View....

Axmed Madoobe oo jawaab iyo digniin kulul usoo diray Dowladda Soomaaliya

0
104
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya usoo diray jawaab kulul iyo digniin ku aadan Shantii qodob oo ay Xalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u Heshiisiinta.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaysan marnaba gorgorton Dowladda kala geli doonin arrimaha ku aadan Doorashada gaar ahaan: Guddiga Doorashada, Hab raaca Doorashada, Goobta Doorashada, Qaabka Xulista Xubnaha Baarlamaanka iyo Amniga Doorashada.

Jubbaland ayaa sheegtay in dhammaan howlahaas kor ku xusan ay iyada Xaq u leedahay isla markaasna aysan jirin door uga furan Dowladda Federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya caadeysatay ku xad gudubka Dasuurka dalka oo iyada lagu soo doortay, wuxuuna Maamulka sheegay in wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha faragelinta Jubbaland ay dowladda qaadan doonto mas’uuliyadeeda.

Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan waxay ay ugu yeertay siyaasad gurawacan oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlada federalka ayaa soo saartay qoddobo ku saabsan doorashada Jubbaland kuwaasoo ay qodobadiisu ka mid ahaayeen sida loo soo xulayo xildhibaanada,doorka haweenka iyo halka lagu qabanayo doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso jawaabta Jubbaland

About Author