Post View....

Askari Ciidamada Dowladda ka tirsanaa oo Muqdisho lagu dilay

0
110

Dilka Askarigaan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Dan-wadaagahaha ee degmada Wadajir Gobolkan Banaadir,waxana la sheegay in uu dilka ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Dilka askariga ayaa yimid, kadib markii askariga oo watay Gaari uu isku dayay in uu si xoog ah ku markii koontorool Ciidamada,hayeeshee askari kale oo goobta ku sugnaa ay wada mureen sidaasina askariga lagu dilay.

Askariga dilka geystay ayaa Wararka la helayo ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday,isla markaana meydka askriga la dilay ay goobta ka qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Isgoyska Dan-Wadaagta ee degmada Wadajir ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa yaallay koontorool Gawaarida lagu celinayay oo ahaa (KALA WAREEG) isla markaana gaadiidka ay halkaasi kasoo kala wareegayaan.

Dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ligu geystay degmada Wadajir ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkeenleey ay ku dagaalameen Ciidamo Boolis ah iyo maleeshiyaad doonayay inay lacag ka qaadaan Guri uu dhismo ka socdo.

About Author