Post View....

AMISOM oo si kulul u cambaareysay qaraxii ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0
110

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa si weyn u dhalleeceeyay weerarkii dhowaan la beegsatay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Danjire; Madeira, ayaa yiri, “Ficilkan axmaqnimada iyo naxariis darrada ah , waxaa cad in loogu talo galay in lagu daadiyo Dhiig badan oo ah Dad aan wax galabsan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Amb: Francisco Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in kuwa mas’uulka ka ahaa weerarka fulaynimada ah ay doonayaan oo keliya in ay sii wadaan ficillada noocan ah oo Dalkana u horseedaya bur-bur iyo qalalaase.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa intaa raaciyay in aysan Argagixisadu ku guuleysan doonin ololaha dagaal ee macna darrada ah, wuxuuna sheegay in reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhami ay u ooman yihiin nabad.

Danjire; Francisco Madeira, ayaa ugu dambayn tacsi u diray Qoysaskii dhibbanayaasha iyo maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

About Author