Post View....

Al-Shabaab oo fagaaro ku toogtay rag ay ku Eedeeyeen la Shaqeynta Dowladda

0
143

Falkan toogasho ah ayaa Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen fagaaro ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose,waxaana ay ku fuliyeen 5 Rag ah oo ay ku Eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera.

Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.

5-ta Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen oo dhamaantood rag wada ah ayaa waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegeen.

1: Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle), iyaga oo ku eedeeyay in uu la Shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta oo ka mid ah Ciidamada xooga dalka ee uu tababaray Mareykanka.

2: Cabdi kariim Muuumin Axmed oo lagu eedeeyay in uu u Shaqeynayay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano PS.

3: Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Dowladda Kenya oo Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM ee xilligaan ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.

4: Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) ayaa lagu eedeeyay in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

5: Axmed Cabdullaahi Warsame oo ay ku eedeeyeen in uu l Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

Si kastaba Al-Shababa ayaa inta badan deegaanada ay maamulaan waxaa xukuno dil ah ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha ka socda Dowladaha taageeraa Dowladda Soomaaliya.

About Author