Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhanka dhaqaale ee labada dal u dhexeeya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo dhiggiisa dalka Shiinaha ayaa ka wada hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.
Labada masuul ayaa isku afgartay in si wadajir ah loo sameeyo guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.