Post View....

Qoraal U gaar ah Reer Boorame!!!

0
180

Intaa aadan soo galin Magaalada Boorame waxaa kuu muuqanayo Buuro waaweyn oo ku wareegsan Magaalada, Tuulooyin yar yar, iyo Dhul beereed illaa Magaalada isku xiran, Duunyada iyo Duur joogtuna ey Barwaaqo ku dhax Jiraan.( F.S:1-4aad). Kadibna waxaad soo galee Magaalo aad u qurux badan ( F.S: 5-12aad)

Boorame oo ah Magaalo Ku taal Gobalka Awdal ee Waqooyiga Somalia waxa ey ku taal : 9°55′59″N 43°10′54″E Iyo : 9°55′59″N 43°10′54″E. waana Magaalo Ganacsi oo u dhaw xadka Ethiopia.

Qarniyadii dhexe Borama waxaa xakumayay Boqortooyadii “Adal Sultanate”. Kadibna Mustacmaradii Ingiriiska. Deegaanada u dhaw sida Camuud, waxaa laga helay waxyaabo Taariikhi ah “Archaeological findings” sida Qabuuro , Godad hore ,Guryo, Masaajid iyo Qalab Ganacsi oo ey la wadaagi jireen wadama kale sida Shinaha . Naqashadaha dhismaha qaar ayaa muujinaya Qarnigii 12-18aad, in kasta oo badankoodu ey ahaayeen Qarnigii 15-16aad waqtigaa oo Ganacsi xoogan uu ka jiray Saldanadii Adal.

Waxaa laga helay Qarnigii 18-19 aad haraa Lacago Qadaadiic ah oo muujinayay in la isticmaali jiray sida kuwii Kait Bey iyo Burji Mamluk Suldaankii Masar, Lacagahaa Isticmaarkii Ingriiska ayaa u qaaday “British Museum” si halkaa loogu xafido. Sida laga soo xigtay Sonia Mary Cole, Magaalada waxaa laga heli karaa 250 – 300 oo ah Guryo iyo Macbadyo Taariikhi ah.

Waxa ku yaal xarumo Taariikhi ah oo la siyaarto eyna ku aasan yihiin Culumo caan ah sida: AW Sau, AW Camuud, AW Sharlagamadi. Taariikh yahanka G.W.B. Huntingford ayaa leh meelaha barakeeysan waxaa la socdo naaneys ah AW , sida AW Barre .

Boorame Isticmaarkii Ingriiska ayaa Degmo u aqoonsaday Sannadkii 1925tii. Dagaalkii 2aad ee Aduunka waxaa qabsaday Talyaaniga , waxaan dib uga qabsaday ingriiska 1940kii, Dagaaladii Somalida iyo Xabashda ee 77 waxaa duqeeyay Dayaaradahii Xabashida.

Waxbarashada.

Borama waxa ey Caan ku tahay wax barashada, Iticmaarkii kadibna waxa ey ahaayeen Dadkii waxbarashada Dalka qeyb Muhim ah ka qaatay, sida Macalimiinteydii Qaar.

Sannadkii 1933dii ayaa Sheikh Cabduraxman Sheikh Nuur oo ahaa Macallin Dugsi Qur’aan, Aabihiina uu ahaa Qaaligii Magaalada ayaa Sameeyay Xuruuf u gaar ah oo lagu qoro Afka Somaliga, “New orthography for transcribing” Xuruuftaa ey Sh. Cadiraxmaan iyo Saaxiibadii isticmaali jireen waxaa loo yaqiin Qoraalkii Gadabiirsiga “Gadabuursi script”.

Deegaanka Boorame, hadda waxaa ku yaal in ka badan 52 Dugsiyo H/Dhexe iyo Sare oo kala ah, kuwo ey kala maamulaan: Maamulka Deegaanka , Shakhsiyaad iyo Ururo Diini ah, qaar Afka Carabiga ayaa wax lagu bartaa inta bandanna Af Ingriiska.

Camuud University ayaa la Asaasay Sannadkii 1998 taa oo Ardaydu Dalka oo dhan uga yimaadaan si ey halkaa wax ugu bartaan iyo Xarumo kale oo waxbarasho Sare sida SAW Community College iyo kuwa kale. Waxaa kale oo ey leedahay Sagaal Dugsiyo Sare oo ey ka mid yihiin : Aayatiin Secondary School, Waaberi Secondary School, Al Qalam Secondary School, Al Nour Secondary School, Aadam Isaak Secondary School, Sh. Ali Jowhar Secondary School, Hassan Ardale Secondary School, Al-aqsa Secondary School, Ubaya bin ka’ab Secondary School iyo Dugsigii ugu horeeyay ee Dadka Dhagoolayaasha ah wax lagu baro “Borama Deaf School”. Waxaa Degmada wax ku barta in ka badan 16,000 arday.

FG: wixii ka Khaldan ka sax.

Qore: Yahya Amir

About Author