Maalmahaan waxaa socda xuski todobaadkaxurriyadda oo ka bilawday 26 Juun markii gobollada woqooyi ay Ingiriiska ka qaateen xurriyadi oo ahayd mid halgan dheer loo soomaray naqatayna riyo rumowday. Nasiib darro, dadka reer Somaliland waxay isillawsiiyeen qiimaha ay leedahay maalintaas waxayna kubeddesheen bishi maajo oo ah markey ka go’een Koofurta.  Taas ayaa kala weynaatay xurriyadi ay ka qaateen gumeysigii aan weligii ku talagelin inuu horumar gaarsiiyo gobolladaas.
Haddaba, waxyaabaha la yaabka leh waa inay Somaliland awoodoodii iyo caqligoodi ku koobeen gooni isu-taag aan ku saleysneyn barnaamij horumarin iyo nabad ku noolaasho..
Hadafka qoraalkaan waa mid ku saleysan sababta ka dambeysa mar kasta reer Somaliland inay weligood ka sheekeeyaan dhibaatadii ay soomareen xilligii Kacaanki oo ay ka mid ahaayeen howl-wadeenadi dhibaatada ay ka cabanaayaan qayb weyn ku lahaa!!!.
Waxay ahayd dhibaato ay la wadaagaan Somalida inteeda kale, taasoo horseeday in dalkii gebigiisiba uu burburo, shacabkiina noqdo mid haaday iyo mid heybsha, mid hayaamay iyo mid hoogay, cid kabadbaadayna aan la arag. WAA WAAJIB IN LA QIRO in Somaliland ay dhibato gaar ah kudhacday waana mid Somali oo dhan ay qirayaan, looguna garaabay, waa haddii ay garashadooda la kaashadaan.
Addiunka waxaa ka dhacay dagaalo badan ow ugu dambeeyay DAGAALKII LABAAD oo aadka loogu hoobtay, tiro aan la koobi karina ay kudhinteen.  Intaas oo dhibaato ah waxaa horseed ka ahaa kaligii-taliyihii Hitler oo qaarada Yurub oo dhan cagta mariyay ilaa dowladi Ruushka oo sheegtay inay dagaalkaa uga dhinteen LABAATAN MALYAN. Waxaa intaas sii dheer in timihii hablahooda laga sameeyay jodariyaal Jarmalka oo dhan ku faafay.
Intaas oo dhibaato ah ee ka dhacday adduunkasiiba Yurub WAA IS CAFIYEEN.. Jarmalka waa la canaantay waana qaatay canaantii iyo eedeynti, wixi lagu ganaaxayna waa oggolaadeen waxayna taasi horseeday in la si-cafiyo.
Haddaba, waxaa jirtay sheeko gaaban oo kadhacday degmo ka mid ah kuwa Xamar ugu qadiimsan, kaddib markii wiilal dhallinyaro ah ay marada ka feydeen geber suuqa mareysay. Waxaysan ogeyn in gebertu ka dhalatay jufo magac leh oon quursi iyo gardarro weligood qaadan. Markii arrintii ay soo shaac baxday ayaa waxaa kulmay odayaashi hogaanka u ahaa labada jufo ee geberta iyo wiilasha ka kala socday.
Arrinti ayaa aad loo falanqeeyay lagana yeeshay doodo badan oo dhinac walba taabatay iyadoo ugu dambeyntii jufadi wiilasha ay ka dhasheen isku xukuntay inay bixiyaan wax alla wixii lagu baajin karo dhibaato intaa ka weyn inay dhacdo. Waana la isfahmay, markaasaa la yiri aanduceysano oo faataxada aan maranno.
Jufadi geberta ayaa yiri in la duceysto waa fiican tahay laakin geberta maxaa loo feyday? Doodi halkii ay ka sii socotay ilaa qoladi gefka gashay ay oggolaadeen inay bixiyaan gebdha diyadeeda oo konton halaad oo geela!!! …waalaga oggolaaday…Markaasaa la yiri aan duceysanno..inti aan ducadi la dhammeyn ayey qoladii gebedha ka socotay soo celiyeen su’aashii geberta maxaa loo feyday!!!
Marki arrinti ay halkaa mareyso ayey akhyaartika socotay wiilasha ay soo jeediyeen inaybixinayaan diyo laba wiil si mar uun la iskuafgarto. Waa laga oggolaaday waxaana la yiriaan duceysanno si aysan arrimahaan oo kale noogu soo naqan…odayaashi waa oggolaadeenlaakin waxay soo jeediyeen su’aashiGEBERTA MAXAA LOO FEYDAY?
U maley maayo in arrinta IS-CAFINTA ay u baahan tahay in lagu dheeraadoo waayo waa mid laga wada dheregsan yahay.
Soddon sano ayaa ka soo wareegtay dhibkii ka dhacay Somaliya, laakin Somaliland weli waxay taagan yihiin MAXAA GEBERTA LOO FEYDAY?
Arrinta wada hadalka iyo midnimada Somaliland laga raadinaayo halkaa ayey mareysaa? Goormaa Somaliland ay GARAWSAN DOONTAA INAY ISKA CAFIYAAN WIXI KU DHACAY IYAGANA LAGA CAFIYO WIXI AY GEYSTEEN?
Axmad Calasow
Â