Post View....

Arin xaasaasi ah oo somaliland ka carootey!

0
150

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya Mudane Ahmed Shide ayaa muqdisho u yimid arimaha dhoofinta xoolaha bisha xajka ee somaliland u dhoofiso dalka Sacuudiga
oo muran lagaliyey.

Dawlada Itoobiya ayaa awood siyaasadeed ku leh maamulada Muqdisho iyo Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay shuruudaha Sucuudiga ay kusoo rogtay dhoofinta xoolaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Go’aankii Sucuudiga uu ka qaatay Xoolaha looga dhoofiyo Somaliland, kaas oo ahaa inay fasax kasoo qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Muuse Biixi in aan la aqbali karin shuruudaha ay dawladda Sucuudigu ku xiray dhoofka xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofiyaa go’aan ku gaareen inay u hoggaansamin shuruudaha uu sucuudigu dhoofinta xoolaha Somaliland ku hoos geeyey Soomaaliya

Sidoo kale dhammaan dadka ka ganacsada dhoofka xoolaha Somaliland uu u soo jeediyey inay taageeraan go’aanka ay ganacsatadaasi ku taageereen qarannimada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland ayaa aaminsan inay ka go’day somalia

Xaalada arinka waa mid keeni karta khilaaf Siyaasadeed oo hakin kara wada hadalada Dawlada Faderaalka somalia iyo somaliland.

About Author