Post View....

Ma Annigaa dhinaca Xun wax Ka fiiriyo? Mise Adigaa Qoraalkeeyga dhica xun Ka fiiriyo?

0
123

Aqristayaasha qaar ayaa waxa ey leeyihiin: Qoraalkaaga dhinaca Xun ayaad wax Ka fiirisaa!.

( Ma Annigaa dhinaca Xun wax Ka fiiriyo? Mise Adigaa Qoraalkeeyga dhica xun Ka fiiriyo?)

Dadka wax aqrisanayo, isku Da’ ma ahan, isku Aqoon ma ahan, isku Aragti ma ahan, ha Ku talin Aragtidaada oo kaliya in la qoro.

Haddii aan Naar Ka sheekeeynayo ha iga sugin in aan wanaag kaaga sheego. Haddii aan Janno Ka hadlayo ha iga sugin in aan xumaan kaaga sheego.

Dad badan oo Kala nuuc ah ayaan FB Ku xariirnaa, Adiga kaliya ma ahan.

(Haddii aad rabto in aad fashilanto isku day in aad Dadka oo dhan qanciso)

Qoraalada dhinaca Xun kaliya haka fiirin Adigu. Indhaha Dadku isku si wax uma wada arkaan, Maskaxduna isku si wax uma fahamto.

Qoraalku waa sida Sawirkaan ( F.S: 1aad) hal dhinac kaliya haka fiirin.

Qore: Yahya Amir

About Author