Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” Ayaa Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud kulan kula qaatey Odyaasha dhaqanka Iyo Qeybaha kale duwan ee bulshada Deegaan ka Xeraalle.
Madaxweyne Qoor Qoor Ayaa sidoo kale dhagax dhigey Isbitaalka Guud ee Xeraale iyo iskuul dugsi sare ah oo Maamulka Galmudug ka dhisaayo Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Dooran Ee Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan Hormarinta Deegaanada Galmudug,iyadoo Dhawaan uu Xaflada Caleemo saarkiisa ay Dhuuso mareeb ka qabsoomi doonto.
Safiirkii Hore Ee Soomaaliya Ujoogay Dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa ku wehlinaya Socdaalka Madaxweyne Qoor Qoor uu ku marayo qeybo ka mid ah Deegaanada Gal gaduud,taas oo ah Safarkiisii ugu horeeyey intii Xilka Loo doortay Bishii Febraayo Sanadkaan.