Post View....

Hub Badan Oo Wasiir Janan Ka Helay Mid ka mid ah Dalalka Deriska Ah & Dowladda Somalia oo Ogaatay

0
76

Warbaahinta gudaha ayaa ogaatay in Hub badan lasiiyey Wasiirka Amniga jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi nuur (Janan) xilli weli Xiisad ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Xogtaan oo dhowr meel aan ka helnay waxay sheegeen in Hubka oo cadadkiisa iyo nuucyadiisa la sheegi karin ay Kenya ugu deeqday Ama siisay Wasiir Janan iyo Jubbaland.

Weli Ciidamo Daacad u ah Janan ayaa kusugan Duleedka Mandheera,iyagoo sheegay inay duulaan cusub qaadi doonaan.

Kulankii bishii hore Maarso Dhoobleey ku dhexmaray Axmed Islaam (Madoobe) iyo Wasiir Janan waxay iskula afgarteen in dib loo dhigo qaabka Duulaankana la qorsheeyey in si kale loo dhigo.

Balse Hubkaan lagu daabulay dhinaca jubbaland waxay muujineysaa in ay duulaankooda soo dhawaaday.

Qaar ka mid ah Gacan yarayaasha Wasiir Janan waxay warbaahinta qaar la wadaageen Xogtaan iyagoo barahooda Bulshada ku shaaciyey in dhawaan war cusub la maqli doono,taas oo loo fasiran karay in Dagaal iyo dib uqabsasho degmooyinka Gedo isku diyaarinayaan.

 

About Author