Dagaalkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Nabad ilaallinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM iyo Al-Shabaab, waxa uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Saldhigga Ciidamada AMISOM waxaa weeraray koox hubeysan, waxaana la maqlayay rasaas ay kasoo dhacaysay dhanka xerada Ciidamada Jabuuti ay ku sugan sida dadka deegaanka ay u sheegeen.
Dadka ayaa ku sugnaa guryahaooda, lamana shaacin waxyeelo gaartay, halka Ciidamada Jabuuti iyo Al-Shabaab aan garaneyn khasaaraha kala gaaray, maadaama xiliyada habeenkii dadka aysan soo bixi Karin.
Ciidamada Jabuut ayaa saakay howlgal baaris ah ka sameeyay agagaarka saldhiggooda la weeraray, waxaana u tagay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo xero ku leh meel aan sidaas ugu fogeyn saldhiggooda.
Waa markii saddexaad oo muddo todobaad ah la weerarayo Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jirto war ka soo baxay Ciidamada Jabuuti iyo maamulka Gobolka Hiiraan oo ay ku faah-faahinayaan khasaaraha dhankooda gaaray iyo weerarada joogtada ku noqday Xeryaha Askarta AMISOM.