KAMPALA:-Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen rabshadaha ka socda dalka Uganda tan iyo Arbacadii la soo dhaafay.
Rabshadahan ayaa ka billowday magaalooyinka waaweyn ee dalkaas kaddib markii ay dowladda xabsiga u taxaabtay musharraxa mucaaradka Bobi Wine.
Dadka ku geeriyooday iska hor imaadyada u dhexeeya taageerayaasha iyo ciidamada ammaanka ayaa la sheegayaa in ay rasaasi haleeshay.
Booliska ayaa musharrax Bobi Wine ku eedeeyay in uu jabiyay xeerarka lagu xakameynayo faafidda feyraska Korona kaddib markii u ka qeybgalay isu soo bax uu musharaxnimadiisa ugu ololeynayay.
Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in dacwadaha lagu soo oogay musharraxa ay yihiin kuwa looga gol leeyah in lagu cadaadiyo mucaaradka ka hor doorashada guud ee lagu wado in Uganda ay ka dhacdo bisha January.
Musharraxan oo ah nin fannaan oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa ka mid ah 11 musharax oo shaaciyay inay doorashada kula tartami doonaan madaxwayne Yoweri Museveni, oo xilka dalkaasi hayay tan iyo 1986.
Fanaankan ayaa imika xabsiga looga siidaayay damaanad ka dib markii Jimcihii la horkeenay maxkamad.