ANKARA:- Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordagaan iyo Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis oo khadka taleefanka ku wada hadlay ay ku heshiiyeen in la hagaajiyo xiriirka labada dal wadahadalna lagu dhammeeyo khilaafaadka jira.
Wakaaladda Warark Sucuudiga ee SPA ayaa goor danbe oo Jimcihii shalay aheyd baahisay in Boqorka Sucuudiga uu khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Turkiga Ordogaan iyada oo sheegtay in ay ka wada hadlayeen isku dubbaridka shirka G20 ee maanta oo Sabti ah ka furmaya dalka Sucuudiga.
Dalalka Turkiga iyo Sucuudiga ayaa sanadihii u danbeeyay isku khilaafsanaa siyaasadda Arrimaha dibadda iyo aragtida ay laba dowlad ay ka qabaan ururrada Islaamiyiinta waxa uuna khilaafka labada dowlad cirka isku sii shareeray kaddib dilkii Jamaal Khaasuqji ee Ka dhacay qunsuliyadda Safaaradda Sucuudiga ay ku leedahay magaalada Istanbul.
Muddo sanad ka badan ayay ganacsatada Sucuudiga iyo Turkigu isla dhex marayeen in dowladda Sucuudiga ay si rasmi ah u qaadici doonto alaabaha laga soo dhoofiyo dalka Turkiga. Kooxaha Ganacsiga Turkiga ayaa dowladda Sucuudiga ugu baaqay in ay hagaajiso Xiriirka Ganacsi.
“Madaxweyne Ordogaan iyo Boqor Salmaan waxay ku heshiiyeen in ay sii furnaan waddooyinka wadahadalka si loo hagaajiyo xiriirka labada dal, loogana guuleysto caqabadaha jira” ayaa lagu yiri Bayaan ay soo saartay madaxtooyada Turkiga iyada oo intaas ku dartay in Labada hoggaamiye ay ka wada hadleen Arrimaha Shirka G20.