Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa La Taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda u magacaabay Cabdi Cali Raagge oo ah Siyaasi caan ah oo ka mid saaxibada aadka ugu dhowaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Ilo wareedyo laga helay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Cabdi Cali Raagge loo magacaabay la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Siyaasadda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dad-ban, maadaama uu ninka uu u magacaabay arrimaha doorashooyinka uu yahay nin horay uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii gaar ahaan Jubbaland iyo tii Federaalka, waxaana laga yaabaa in uu uga mid noqdo Guddiyada Farsamo ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee ka baaraan-dagi doona nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.
Cabdi Cali Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaangal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016.
Bishii April ee sanadkii 2019 ayay markii Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday Cabdi Cali Raagge oo ahaa La Taliyihiisa sare ee Arrimaha Siyaasadda, xil ka qaadistaas ayaa salka ku heysay howlihii doorashada Jubbaland.
Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa 22 July 2020 ku heshiiyeen in la soo kala magacaabo guddiyo farsamo oo ka soo talabixiya doorashooyinka dalka ka qabsoomaya ka hor shirka Madaxdu ku balansanyihiin bartamaha Augosto kana qabsoomo Dhuusamareeb.