1-Qurba Joog Kanada ka yimid ayaa u tagay Madaxweyne kuna Yiri: Md. Madaxweyne. Xil sare iyo Xoola doon ayaan ahay. Madaxweynihii ayaa ku yiri: War Maalmahaan is bedelo badan iyo Waqtiga oo cariiri nagu ah ayaa na hayo, hadda iska bax ee Nasiibkaaga iska sug.
Kii Toronto –Kanada, ka yimid ayaa yiri: Madaxweyne Nasiibkeeygu waa kan Maanta halkaan i dhigay oo Hebel iyo Hebel oo aan Taxi Drivers, Gate keepers, Car Barcking iyo Cleaners aan wada ahaan jirnay ey Maanata Xildhibaano, Wasiiro, Agaasimayaal, Safiiro iyo Taajiriin noqdeen. Madaxweyne Hadaad Run sheegee, “Nasiibkeeyga ha igu haleyn” nasiibku waa kan Raggaa iga reebay, ee walba Mashurruuca “Six months Prime minister project”. Mashruuca Raisul Wasaraha 6-da Bilood Boos iiga raadi.
( Waxaa la yiri: (Haddii Gabaru Shaarkeeda ey ilaa Laba Galuus ka furtu Jawigaa kulul, haddii ey wada furtana iyadaa kulul). Doowladu haddii ey Hal Masuul erido Jawiga Siyaasadeed ayaa kulul, haddisee ey wada erido, Taliyayaal Ciidan, Gudoomiye Baarlamaan, Wasiiro muhim ah iyo Wakiilka UN iyadaa kulul oo marka dambe Dhaxdeeda ayey is eridaa, kadibna Raisul wasaare iyo Gole wasiiraa isku mar la eryaa. Dastuurkii ey Dumiyeen ayaa loo Daba maraa oo lagu Dumiyaa iyagana, Galuusyadii ayaa la isku wada Furtay, Ceebta Alla ha asturo ) (F.S: 1aad)
2-Ayeeyo Qurbaha ka timid oo Wiilkeedu Wasiir yahay ayaa iyadiina loo dhiibay Jago sare, kadibna waxa ey guursatay Wiil ka mid ah ,Ciidankii ilaalinayay , 6 Bil kadib ayeey Dalacaad u soo saartay lagana dhigay Sarkaal sare Wiilkii ,waxa eyna ku tiri: Babe ,Aduunka ma joogaa Qof kale oo aad jaceylkeeyga ka dooran leheyd, Adoo Qorax joog ah haddaan Qurba joog kuu ekeysiiyay. Waxa uu ku yiri: Haddii jaceylkaaga iyo kobahan aan wato, aan kala dooran lahaa waxaan dooran lahaa Kabaha, sababta oo ah, Kabaha waa la iska bedeli karaa ,Laakin Adiga hadda iskama kaa bedeli karo, Kabahan waa Numbar la eg Cagteeyda ,laakin Adigu waa iga Numar weyn tahay. Kabahu wey kaa cumri dheeryihiin oo Adigu Horaad u badatay, oo Agaasimayaal ayaad Abooto u tahay.
( Ayeeyo iyo Agaasime ey Ayeeyo u tahay oo amar wada baxinayo Qurbeey nooga yimideen, Ayeeyo is yareey ) ( F.S: 2aad)
3- Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa lagu yiri: Nin kaa bakhiil nimo badan ayaa Beydhabo joogo. Baabuur ayuu soo raacay waxa uuna tegay Beydhabo, kadibna Ninkii loo tilmaamay Gurigiisa ayuu tegay, Albaabka ayuu u garaacay , waxaa ka furay Bakhiilkii Reer Beydhabo oo Isha Midig ey ka duuban tahay. waxa uu ku yiri: War dartaa ayaan Gaalkacyo uga imid ee Isha maxaa kaaga dhacay. Bakhiilkii Beydhabo ayaa ku jawabay. “ Hal il ayaaba igu filin ee tan kale Nuurkeeda maxaan isaga dhameynayaa”. Kii Reer Gaalkacyo ayaa yiri: Albaabka iska soo xiro, Gaalkacyo ayuuna isaga Noqday, isaga oo leh: Walee, Bakhiilnimo Beydhabeey taal. ( F.S: 3aad)
( Jini ka yimid Jaziiratul waaq waaq oo hore u soo watay Nabadoon “Jaan” ayaa Jago u soo doontay Somaliya, waxa uu arkay, Xilkii uu soo doontay oo Cirfiid ku sime ka yahay, Jini iyo Jaan Jaziiradii ayey ku noqdeen iyaga oo leh Somaliya ma dhawo, Insina, Farahiisa waa ka baxday ,Jini iyo Jaanna waa ka quusteen, Alloow Duul khayr Qabo u bixi) ( F.S: 4aad)
4-Nin Shiinees ah oo Somalida la hadlayay ayaa yiri: Shiin, Juuu. wii, Fiilaajiig, Yung, Soomalishii, Fuu wii Zuu.
In aan Af-Shiinaha aqaan miyaad u maleysay, Anniguba ma fahmin, waxaan u tagay Arday Shiinaha ka yimid, oo ii tarjumay iguna yiri: waxa uu ka wadaa Naag Uur leheed ayaa Foolatay, waxaa la geeyay Isbitaalkii. Xanuun badan ayaa hayay waxa lagu yiri: Lugahaaga kala fur si aad u umusho, weey ka diiday in ey Lugaheeda kal Furto dhamaan Dhakhatiirtii, Umulisayaashaii iyo kalkaaliyayaashaii. Xanuunkiina waa ku batay, Lugihii in ey kala qaadana waa diiday. Markii dambe ayaa Ninkeedii loogu yeeray, Markuu Iridda ka soo galayba Lugihii waa kala qaaday. ( F.S: 5aad)
( Marka Soomaliyeey Xanuun badan ayaa idin hayo Fooshiina waad ku daahdeen ee Goormaad Luga kala fureeysiin . Sidaa ayuu Ardaygii iigu tarjumay, Annigu Af- shiino Ma aqaan, ee Runtii miyaa? Niihaa, Niihaa).
5-Garsoore Kubadda Cagta oo Reer Mudug ah oo Ciyaar dhaxdhaxaadinayay, ayaa markii Ciyaartii bilaabatay wax yar kadib , Kaar casaan ah ku dhajiya ciyaartooy cusub oo markaa soo galay Garoonka Ciyaaraha.
Garsoora yaashii kale ayaa weydiiyay Sababta uu Laacibkaan Ciyaarta uga saaray. waxa uu ku jawaabay Garsoorihii Reer Mudug. Ciyaar aan Maalin dhaweyd Daawanayay ayuu khalad weyn galay, Maalintaana lama siin Kaarka cas. Sidaa darteed “Ninkaan, hore Roose loogu lahaa”. ( F.S: 6aad)
( Shirka dhuusamareeb 1, markuu dhamaaday, Roose la isku lahaa, miyaa la isku dhajiyay?. Garsoorayaasha Reer Mudug farsama badanaa, Boos baneeysi miyaa?, Shirka Dhusamareeb 2na ,yaa Roose lagu lahaa Roose oo lagu dhajin doonaa?)
6- Nin Cabtooy ah ayaa Habeenkii oo dhan siduu u maqnaa ayuu Saqdii dhexe Gurigiisii ku soo laabatay isaga oo Sakhraan ah, Albaabkii ayuu garaacay, Xaaskiisii ayaa ka furtay, Dharbaaxo kulul ayuu ku dhuftay, isaga oo ku leh, Nayaa Saacadaan Halkeed u socotaa? Waxa uu u maleeyay in uu isagu irida ka furay. ( F.S: 7aad)
( Ar, Nin Soo Daahay Dambigiisii, muxuu Dad kale Dusha u saaray)
FG: Soonkii Maanta Alla ha noo aqbalo, Intii Sannadkaan Xajisayna Alla ha u aqbalo, Intii Niyeeysatay ee Sababa kale uga Baaqatayna ajirkiisa Alla ha siiyo, Ciid Mubaarak, Birrito Dhamaan.
Qore: Yahya Amir