C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Party waxa uu War-saxaafadeed ka soo saaray Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka ee ay Xukuumadda Federalka ee Kalsoonida lagala laabtay ay dhawaan soo magacaabeen.
Siyaasiga CC Warsame oo Mucaarad ku ah DFS waxa uu Bartiisa Facebook soo dhigay War Saxaafadeed uu ku naqdinayo Magacaabistaasi iyo Awoodda Xukuumadda Federalka.
“Xukuumad dhacsan Xil ma magacaabi karto” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyey inay Xukuumad haysata Sharciyadda Barlamaanka awoodi karto inay so omagacowdo 3 Xubnood oo ka mid ah 8-da Xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka yihiin Sharci-darro.
Rabtaan ka Akhriso War-saxaafadeedka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir: