Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Tahliil Shaatax waxa uu sharci-daro ku tilmaamay Tallaabadii ay Xukuumadda Federalka ee aan kalsoonida ka haysanin Barlamaanka Federalka ku soo magacaabeen Guddiga Adeegga Garsoorka dalka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay inaysan Xukuumadda haysanin sharciyad ay Mansab ku magacaabi karaan, maadaama aysan Xukuumadda haysanin wax Sharciyad ah oo ay Xukuumaddu tahay Sii-haye.
War-saxafaadeed ay Isutagga Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed soo saareen waxay ugu baaqeen Xukuumadda haatan inay Xukuumadda soo socota u dhaafaan magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka dalka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha kale.
Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka Ururrada Bulshada Rayidka: