Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaannada Kudhaa iyo Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada hoose.
Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la sheegay inuu degaannadaas uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas ka soo baxaya faah faahino kala duwan.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen dhinacyada dagaalamay, balse aan la sheegin khasaaro dadka Rayidka ah kasoo gaaray dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaannada Kudhaa iyo Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay halkaasi ka wadaan Ciidamada Kenya.
Inta badan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Jubbaland & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kadib markii ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada.