Inkastoo South Africa, ay aad ula dagaalamayso Wajiga 2aad ee Cudurka Koroonaha, ayaa Madaxweyne Cyril Ramaphosa, waxa uu caawa ku dhawaaqay in aad loo Khafiifiyey Xayiraadaha Covid-19, islamarkaana uu dalku u gudbay heerka LEVEL1 laga bilaabo Caawa 1-da March 2021, kadib markii heerkii ugu hooseeyey uu gaaray Fayriska dilaaga ah.
● Saacadaha Bandowga Habeenkii ahaa ayuu dib u riixay, kaasi oo hadda ka bilaabanaya (12:00am ilaa 4:00am).
● Isku imaatinka Dadka, ayuu fasaxay (100 in door 250 outdoor) isagoo faray inaan laga tagin dhammaan astaamaha kahortaga ee ay Dowladdu soo rogtay ee ku saabsan Koroonaha.
● Dhammaan, Xarumihii u xirnaa Koroonaha awgii, ayuu irdaha u balaqay oo ma jiri doonto meel sii xirnaan doonta, marka laga reebo arimaha xuduudaha qaar.
● Xagga Safarada Caalamiga ah waxa uu sheegay in 5 Airport oo Caalami ah loo ogolaaday iminka inay Dalxiisayaasha ama Dadka dalkan imaanaya loo balaqay oo ay kasoo dagi karaan.
Koonfur Afrika, oo Jimcaha soo socda uu Sanad u buuxsamayo, markii Cudurka laga helay, ayaa waxa saameeyey in ka badan 1.5 Million oo Ruux, halka in ka badan 50,000 oo Qofna ay u dhinteen, waxaana iminka xawli ku socda Talaalka kahortagga Covid-19, kaasi oo ilaa iyo iminka ay qaateen 67-kun oo Shaqaalaha Caafimaadka ah.
Abdulrazak IndhaJaceyl