Diyaarad siday xirmada talaalka Covid-19 ayaa goordhow soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana soo qaaday diyaarad gaar ah oo ay leedahay Hay’adda cuntada Aduunka ee WFP.
Talaalkan ayaa waxaa loogu tala galay in looga hortago cudurka Corono Virus oo markale ku soo laba kacleeyay dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,xubno ka tirsan Dowladda iyo wakiila ka socda Qaramada Midoobay ayaa garoonka diyaaradha Aadan cadde u tegay si ay ugu kala wareegaan talaalka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Bulshada ula wadaagtay xog ku saabsan Talaalka COVID-19 oo ay shaacisay in maanta oo isniin ah dalka soo gaarayo soona gaaray.