Diyaarad siday xirmada talaalka Covid-19 ayaa goordhow soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana soo qaaday diyaarad gaar ah oo ay  leedahay Hay’adda cuntada Aduunka ee WFP.

Talaalkan ayaa waxaa loogu tala galay in looga hortago cudurka Corono Virus oo markale ku soo laba kacleeyay dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,xubno ka tirsan Dowladda iyo wakiila ka socda Qaramada Midoobay ayaa garoonka diyaaradha Aadan cadde u tegay si ay ugu kala wareegaan talaalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya  ayaa horay Bulshada ula wadaagtay xog ku saabsan Talaalka COVID-19 oo ay shaacisay in maanta oo isniin ah dalka soo gaarayo soona gaaray.

May be an image of airplane and outdoors

May be an image of one or more people and people standingMay be an image of one or more people and people standing