Ra’iisal Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa ka fal celiyey Hadal uu jeediyey Madaxweynaha Puntland Habeenimadii Xalay oo gef iyo arin wanaagsaneyn uu ku tilmaamay.
Hurre Buubaa jawaab uga fadhiya in uu kasoo bixiyo hadalkii Sarbeebta Ee Madaxweynaha Puntland ku duray Dadka Soomaaliland ku dhaqan gaar ahaan Hablaha Hargeysa.
“Madaxweyne Deni hadal meel-ka-dhac ah ayuu yidhi xalay. Isagoo u duur-xulaya Wasiir Cusmaan Dubbe oo kasoo jeeda Somaliland ayuu yidhi, “hablaha reer Hargeysa waxay yidhaahdaan eedaanka arooryo ee hore isu keenno keen!!!” Bal ha is fasiro Madaxweynuhu,ayuu Yiri Buubaa!!!”
Khudbad jeedintii Xalay madaxweynaah Maamulka Puntland ayaa waxa ku jirtay Arimo xasaasi ah uu soo banaanbixiyey oo Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka ah,Doorashada la isku hayo,Damaca Madaxweyne Farmaajo iyo Sir kusaabsan hadalo hoose ay ku sheekeysteen uu dibada soo dhigay.