ANKARA:-Xukuumadda Turkiga ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday in ay la yimaadaan bisey siyaasadeed oo ay dalka uga samata bixinayaan xaaladaha taagan.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga walaacsanyihiin khilaafaadka hareeyay arrimaha doorashada Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa dhinacyada siyaasadda ugu baaqday in khilaafkooda ay ku xalliyaan miiska wadahadalka.
“Waa lagama maarmaan in dhammaan dhinacyadu la yimaadaan niyad wanaag kana fogaadaan wax walba oo keenay dhibaato, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa iyana ugu baaqeynaa in ay dib u furaan wadahadalka lagu sii ambaqaadayo taabbagelinta heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si buuxda u rumaysanatahay in shacabka Soomaaliyeed leeyahay biseyl siyaasadeed oo u uku qaabayn karo aayihiisa dambe.
Ugu dambeyn wasaaradda ayaa sheegtay in ay rajeynayso in hoggaamiyeyaasha siyaasaddu aragti mideysan ka yeeshaan geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyada oo aanu jirin dib u dhac kale.