Balan -Qaadkii Madaxweyne Muuse Biixi ,iyo Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye oo Noqday Indha Sarcaad..!!
Qaybtii 2aad
Balan qaadyadii ku qornaa Buugii cagaarna ee Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye, ee uu shacabka Somaliland u balan qaaday Madaxweyne Muuse Biixi in uu qaban doono hadii uu ku guulaysto talada dalka waxa ay ka sii farcamaayeen Todoboa waaxood oo mid waliba sii kala baxaysay, hasa yeeshee si guud hadii aynu usoo qaadano, dhamaan qodobadaasi ma jirto ilaa hada hal wax oo uu qabtay mudadii uu hayay talada dalka, shacabka Somaliland ayaa markhaati ka ah, umana baahna cadayn
- Arrimaha Bulshada
- Amniga iyo Nabadda,
- Dhaqaalaha,
- Garsoorka iyo Caddaaladda,
- Siyaasadda Arrimaha Dibedda,
- Horumarinta maamul-wanaagga iyo
- Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada.
Todobada qodob waxay ahaayeen kuwii ugu mihiimsanaa balan-qaadyadii ku yaalay buuggii cagaarnaa ee Xisbiga KULMIYE Iyo Barnaamijkii siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi, waxaanay dadka aqoonta dheer u leh dawladnimada iyo Hogaaminta horumarinta ku dhisan ee qorshayaasha lehi ay ku sifeeyeen inaan Madaxwene Biixi dib u akhrisan balanqaadyaddiisii wakhtigii ololaha islamarkaana aan illaa hadda laga hayn hal Mashruuc oo guulaystay kaas oo uu fuliyay mudadaasi saddexda sanno ah ee uu hogaanka Dalka hayay, marka laga tago mashruuca Shaqo qaran balse marka la eego arrimaha daruuriga ah ee nolosha Bulshada taabanaya iyo arrimaha siyaasiga ah ee hogaaminta dalka u mihiimka ah, sida arrimihii dibeda oo ay Somaliland ka soo xidhantay intii uu Madaxweyne Biixi Xilka hayay.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka Siyaasada iyo Hogaaminta wax ka bartay ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku tilmaama siyaasi aan qorshe siyaasadeed oo dhab ah la iman, hogaamintii siyaasada dalka ku asqoobay, baahiyaha xad dhaafka ha ee dalka ka taagan, keliyana u hamuum qabay inuu Madaxweyne Noqdo, Waana ta keentay inaanu illaa hadda oo uu hogaanka dalka hayo saddex sanno aanu hal waxqabad oo muuqda la iman.
W/Q, Jamaal Ibrahim Maxamed (Gobonimo)
Hargeysa