Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ayax farabadan uu ku habsaday degaano hoostaga magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay, iyada oo Ayaxaas uu baabi’iyay dalgayo dhowr ah.Beeraleyda Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxay sheegeen in ayaxaan uu dhibaatooyin farabadan u geystay Dalagyo u beernaa, isla markaana lagu arkay inta badan tuulooyinka Magaalada jowhar iyo degmada Mahadaay.
Waxaa la sheegay in Beero badan uu ku habsaday, sidoo kalena ay isku dayeen inay ka hortagaan, hayeeshee ay awoodi waayeen, waxaana ay ugu baaqeen madaxda dowladda & Maamulka Hir-Shabeelle in arrintaas wax laga qabto.
Dhanka kale horay degaano iyo degmooyin ka tirsan koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa Ayaxa uu ku habsaday, isaga oo baabi’yay dalagyo dhowr ah halka meelaha qaar laga buufiyay.