Sida lagu daabacay Shabakadda ka faalloota Arrimaha Xasaasiga iyo Wararka Sirdoonka ee Africaintelligence.com ee Xarunteeda Dhexe ku taallo caasimadda dalka Fraansiiska ee Pasris waxa uu RW Ethiopia ku guuleystay dadaal uu ugu jiro inuu Taliska AMISOM ku qanciyo in Saldhigga cusub ee Tababarka AMISOM laga furo magaalladda Jigjiga oo ah Caasimadda Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia.
Saldhigga cusub waxa uu ka fududeyn doonaa Tas-hiilaadka Hawlgalladda AMISOM in difaaca Ammaanka Ethiopia.
Qorshuhu waxa uu yahay in Ciiddanka Hawlgalka Afrika ee AMISDOM tababar ku qaataan Saldhigga Cusub ee Jigjiga, si ay qeyb uga noqdaan Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kaasi oo ay Ciiddanka AMISOM weli ku guuleysanin Hawlgalkaasi oo ay wadeen in ka badan 14-sanno.
Shabakadda Wararka ee Africaintelligence.com waxa uu qoray inaysan kala caddayn inay dhinacyada ku lugta leh Hawlgalka AMISOM oggolaan doonaan qorshaha Abiy Ahmed ku doonayo in Jigjiga laga dhigo Saldhiga Tababarka Ciiddanka AMISOM.
QM, Dowladda Federalka iyo Dowladaha ku yaboohay Ciiddanka AMISOM weli kama aysan hadlin, mana oggolaanin Qorshaha Ra’isul-wasaaraha Ethiopia u xusul-duubayo.
Ethiopia waa dal ka mid ah dalalka ay Ciiddankooda qeybta ka yihiin Hawlgalka AMISOM, waxayna Ciiddanka Ethiopia ka hawl-galaan Goballadda Hiiraan, Bay, Bakool, Galgaduud iyo Gedo ee Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.
Waxaa Xusid mudan inuu Golaha Ammaanka ee QM meel mariyey Qorshe Ciiddanka AMISOM uga huleeli doonaan Somalia, taasi oo hordhac u ah in Ciiddanka Soomaalida lagu wareejiyo sugida Ammaanka Somalia.
Boqolaal ka tirsan Ciiddanka AMISOM ayaa waxay sanadkii hore dib ugu laabteen dalalkooda si loo taaba-geliyo in Ciiddanka Somalia la wareegaan Ammaanka, inkastoo uu jiro shaki xooggan oo ku aadan inay Ciiddanka Soomaalida awood u leeyihiin inay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga ee dalkooda hooyo.