Duhurnimadii maanta ayaa Xeebta Degmada Xamar Weyne waxaa laga helay meydka Wiil dhalinyaro ahaa, oo dadka deegaanka ay sheegeen inay soo tuftay badda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay ninkan dhalinyarada ah oo jirkiisa aysan ka muuqan dhaawacyo, balse isaga oo meyd ah mar keliya lagu arkay xeebtaasi, halkaasi oo dadkii badda u Kalluumeysi taga0y ay soo arkeen.
Intaasi kadib ayaa dadka deegaanka ku ah nawaaxiga Xeebta Xamar weyne gaar ahaan agagaarka Aba Aweyska, waxa ay ku wargeliyeen Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne in xeebta uu yaalo meydka wiil dhalinyaro ah.
Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Xamar Weyne oo gaaray goobtaasi ayaa waxa ay meesha ka soo qaadeen meydka wiilkaasi, waxaana illaa hadda la garan la’yahay ehelkiisa.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirkiisa, si haddii ehelkiisa ay aqoonsadaan ay uga soo raadiyaan Saldhiga Degmada Xamar Weyne.