Post View....

KASHIFAAD: Kheyre & Muuse Biixi Oo Taleefoon Kuwada hadlay+(Safarka Adis Ababa)

0
57

Wararka waxay sheegayaan in Saacado ka hor Qadka Taleefoonka kuwada hadleen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Inkastoo Xafiisyada Biixi iyo Kheyre midna war kasoo saarin wada hadalkaas hadana ilo muhiim ah ayaa inoo sheegay in ay saacad kudhawaad wada hadleen.

Xasan Kheyre ayaa waxa uu Muuse Biixi kala hadlay sidii loo sii dar dar gelin lahaa Wada hadalka Soomaaliland iyo Soomaaliya oo in muddo ah dhicin.

Ilo wareed kale ayaa sheegaya in safar uu ku aadi doono Madaxweyne Muuse Biixi dhawaan Dalka Itoobiya kadib Casuumaad uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Sidaas oo kale Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa todobaadyo kadib ku laaban doona Adis ababa,isagoo la kulmi doona Muuse Biixi Cabdi Markii ugu horeysay ayaana ay Noqoneysaa kulankoodaasi.

About Author