Ugu 12 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed ka qarxay dagaano hoos taga dagmada wanlaweyn e gobalka shabeelada hoose, dadkan dhintay ayaa dhamaantood ah dad rayid ah oo aan qeyb ka aheyd ragga hubeysan ee diriraya, iyadoo colaaddana ay sababtay in laga qaxo damada iyo deegaanada ku dhowdhow iyadoo qabsi laga qab in dagaalku uu halkaas ku baaho.
Siyaasiyinta kasoo jeeda deeganka ayaa midba mid kale ku eedeynaya in uu masuul kayahay waxa ka dhacaya magaaladaasi, laakin si taas ka gadeisan waxaa dadaal wada duqoyda dhaqan ee labada oo iyaga xoogga saaraya xilinta khilaafkan iyo dagaalkan ka socda wanlaweyn iyo deeganada hoostaga, iyagoo ku dadaalaya in aanan colaaddan la siyaasadeeynin.
Odayaasha iyo waxgaradkan ayaa ku shirsan magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaas oo ay uga arrinsanayaan, sidii loo xalinlahaaa dhibaatadan kasoo cusboonaatay dagmada wanlaweyn iyo deegaanada hoos yimaada, iyadoo ay xusid mudantahay in dagaalkan uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaqdhaqaaqi nololeed iyo kii ganacsi ee ka jiray magaalasi iyo deeganada ku xeern, oo gabi ahaanba noqday kuwo xiran oo aan dhaqdhaqqa laheyn, dadkiina ay isaga qaxeen, waxaana magaalada ku sugan oo kaliya ciidamo hubeysan oo kasoo kala jeeda dhinacyada ee is-haya taas oo keeni karta in dagalka uu dib u qarxo mar kale magaaladaasi,walow ay socdaan dadaalo lagu qaboojinaayo xiiisadda ka taagan deegaankaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dagaal beeleedyo ka dhacaan dagmada wanlaweyn hasayeeshee dagaalkan ayaa ah kii uu xumaa ee soo mara deeganka, kaas oo xitaa aysan dadka rayidka ah ka badbaadin aanada iyo dhibta ka dhalatay colaaddan.
Ugu dambeynti majiraaan ilaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay maamulka koofurgalbeed oo ay dagmadu ka tirsantahay iyo dhanka dowladda somaaliya oo ay ciidamadeedu ku suganyihiin garoonka balidoogle ee gabalka shabeelada hoose.