Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo sareedo oo hoostaga mgaalada Gaarisa ee ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubaysan ay weerar culus ku qaadeen iskuul halkaasi ku yaala.
Iskuulka la weeraray ayaa waxaa wax ku barto ardayda, iyadoo la sheegay in kooxda hubeysan ay rasaasta fureen xilli ay ku sugnaayeen ardayda sida ay dadka deegaanka u sheegeen Saxaafadda
Waxaa la sheegay in labo qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen kooxaha hubeysan.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in kooxda weerarka qaaday ay goobta ka baxsadeen, ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi.