Somaliland oo ka hor-timid isbaheysi ay ku biirtay Dowladda Soomalaiya

48

Maamulka Somaliland ayaa shaaciye in uusan aqoonsaneyn isbaheysiga Carabta iyo Afrika ee looga dhawaaqay dalka Sacuudiga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Hargeysa ayaa sheegtay in sababta ay uga soo horjeesteen ay tahay in aan laga talagelin.

Dhinaca kale, maamulka Hargeysa ayaa caddeeyay in uu diyaar u yahay wada shaqeyn uu la yeesho wadamadda xubinta ka ah golaha. Isbaheysigaan ayaa Isniintii looga dhawaaqay Riyadh, waxaana kamid ah dowladaha ku jira xukuumadda Muqdisho.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse Beesha Caalamka waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.