Post View....

Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi oo warbaahinta kula hadlay dhismaha bisha Casa Italia

0
6
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargalinta mashaariicda ay dowladda talyaaniga uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caasimadda gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.
Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi oo warbaahinta kula hadlay dhismaha bisha Casa Italia ee Degmada Xamar Weyne ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo baneeyo dhulkaas.
Gudoomiyaha Warta-Nabadda Saynab Xaabsay oo la hadashay Guddiga Dabagalka iyo Qiimeynta Maamulka Gobolka Banaadir oo Kormeer ku tagay Degmada Wartanabada waxayna sheegatay waxyaaba badan oo u qabsoomay iyo kuwa hada qorshaha ugu jira
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho uu Wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa howla kormeer ah oo ay ugu kuur galayeen sugida Amniga Caasimadda ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mid mid u booqday checkpoints-ka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu Wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa caawa howla kormeer ah oo ay ugu kuur galayeen sugida Amniga Caasimadda ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mid mid u booqday checkpoints-ka laga soogalo dhinaca Bari isaga oo warbixina Amniga quseeya ka dhageestay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday waxa uuna ku dhiiragliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga dhagarta cadowga.
Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa la shiray maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay 9 ka September 2023 dhamaan madaxda guddiyada qeybaha kala duwan ee suuqyada waawayn ee ku yaala magaalada Muqdisho iyaga oo uu wehliyo Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Galambi.
Kulankan ayaa hadafkiisu ahaa daah – furka diiwaan galin casriyeysan (digital registration) oo lagu sameynayo dhamaan ganacsatada ka howhl gasho Gobolka Banaadir.
Mudane Ciise Guure ayaa ka soo qeyb galayaashii shirkan la wadaagay ahmiyadda ay leedahay hirgalinta howshaan isaga oo tibaaxay in diiwaan galintan looga dan leedahay in ay abuurto jawi kor u qaadayo daahfurnaanta canshuur – aruuneed, islamarkaana dabar – goynayo musuq – maasuqa.
Sidoo kale fulinta diiwaan galintan waxa ay xoojinaysaa xiriirka wadashayn ee u dhaxeeya ganacsatada iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Gaba – gabadii kulankan ayaa ku xigeenka Duqa magaalada, Mudane Ciise Maxamuud Guure waxa uu madaxdii Madasha shirka joogtay ku dhiiri – galiyey in ay la shaqeeyaan howl wadeennada diiwaan – galintan casriga ah (digital registration) taas oo bilaaban doonta todobaadkan

About Author