Post View....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Daah-furay Mashaariic Caafimaad oo Dalka laga hirgelinayo

0
6

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Daah-furay Mashaariic Caafimaad oo Dalka laga hirgelinayo

Muqdisho, Sebtembar 11, 2023—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay labo mashruuc caafimaad oo kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaas oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada Dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyey, isla markaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda.
“Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.
Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabsi Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka.
Labadan mashruuc oo ay fulinayso Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar. Waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay in lagula xisaabtami doono hey’adaha hirgelinaya mashaariicdani, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa maanta daah-furay Golaha nidaamka Cuntada iyo Nafaqada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay Golaha nidaamka Cuntada iyo Nafaqada Soomaaliya, oo diiradda saari doona isku filnaansho xagga cuntada ah oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulanka ayaa looga hadlay helidda nidaam cunto caafimaad leh, hagaajinta nidaamyada cunnada iyo tayeynta wax-soosaarka dalka.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo sugida amniga cuntada dalka, si looga weecdo baahi soo food saarta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dunida ka jiraan abaaraha daba dheeraada iyo xasaradaha baajiya waxsoosaarka cuntada.
Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya leedahay dhul dihan iyo wabiyo waraabin kara hadii si fiican loo qorsheeyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhulka, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay taabogalinta siyaasad furfuran oo dhiirrigelineysa saamileyda wax soo saarka cuntada.
Shirka waxa ka soo qayb galay Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Ganacsatada Saamilayda wax soo-saarka iyo Hay’adaha Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinacdyada horumarinta kaabayaasha dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar.
Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda dowladda Qatar sidii ay u ballaarin lahayd taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeena, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

About Author