Post View....

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Najax Part 4

0
42

WAA QEYBTII 3AAD

ogeyn, ayaa hoos u eegaysa inanteeda. Dareen ayay ka qaadatay,
waxba se ma ay weydiin.

Walow uu qorshuhu, illaa hadda, u socdo si wacan, haddana werwer
ayaa ku jira. Way rabtaa in ay hesho Najax, haddana habkan ay u
marayso ayaa ah mid ay ku qasban tahay, balse aanay samayseen
maalmaha qaar. Waa ficil ka soo hor jeeda shakhsiyaddeeda. In ay
lunsan tahay ayay dareemaysaa. Qaladkii iyo saxii ayaa meel wada
fadhiistay, isaga ayaana casuumay. ”In aan qof jeclaado, qaladkayga
maaha” ayay nafta ku sabaysaa.

Mar kasta oo ay fikirka ku dheeraato,

dareenka laabteeda fadhiya ayaa sii kordhaya. Culayska garbaheeda
fuulaya ayaa farxad kale wata. Muddo yar marka ay jiiftaba, naqas
dhowr galaan ah ayay dib u nuugaysaa si ay haddana hore ugu soo
tuurto. Wadnaha ayaa dubaaxinaya. Ma rabto in ay ka fikirto, haddii
ay joojisana waxay dareemaysaa in ay madhan tahay. Jewi ku cusub,
baahi iyo dareen culusna wata, ayaa u bilaabmay. In ay bilowgii uun
tahay, ma dareensana.

Hawlaheeda gaarka ah iyo shaqada guriga ayay isku mashquulinaysaa,
haddana waxay arkaysaa iyada oo daqiiqda ku darsanaysa shaaha.
Qolkeeda ayay soo gashaa si ay shay uga soo qaadato, muddo
dheerna way dhex taagnaataa si ay u xasuusato shaygii ay rabtay.
Yeedhmada ayay maqli weydaa, weydiimaha ayay qalad kaga
jawaabtaa. Goob keli ah ayay taagnaan kartaa saacad go’an. Indhaha
ayay libidhiqsiga ka illoobi kartaa in ka badan. Waa lagu duulay.
Haddii uu dareenku tiix ahaa, maanta waa mahiigaan.
Habeenkii dambe ayay damacday in ay asxaabteedii ka war doonto,
maaddaama ay soo wici waayeen. Hoodo ayay ku horreysey. Wuu u
dhici waayey. Sahra ayay ku dambeysey. Wuu dhacayaa.

 Haloow? ayay maqashay.
 Naa Sahra, bal warran?
Bariido kaddib ayay weydiisay ”naa tii Hoodo waan waayey, malaha
dabkaa ka dhacay”.
 Walaal intay saaka gaadhiga ii keentay, oo ay furahana yaryarka iigu
dhiibtay aniga oo maqan, ayay iska noqotay. Xitaa i may soo
garaacin.
 Cajiib, dee saaxiib cusub ayay heshay naagtu.
 Sow ma aragtid horto, mid calag haysata dee, illeyn Hoodo waa
diinu-lacage.

Waxay u sheegtay in qolkii warkiisa loogu maqan yahay, kadibna
”waynu is maqli” ayay hadal ku gunaanadeen.
Maaddaama oo ay imika uun waxbarasho dheer ka soo baxday, Najax
waxay dareentay in ay u baahan tahay in ay hooyadeed wakhti la
qaadato. Inta ay Hoodo soo hadlayso, qorshehanina dhan u
soconayo, hooyo ayaan meel kasta u raaci. Waxa uu noqday go’aan
ka mashquuliyey nin maskaxdeeda xoog ku haysta.

Saddex maalmood ayaa tegay, weli wax war ah laga ma hayo Hoodo.
Reerkoodii way la hadleen oo way og yihiin in ay nabad qabto.
Sababta ay iyaga ula soo hadli weydey ayaa Najax ku noqotay xisaab
aan la xallin karin.

Sidii caadiga ahayd ayay laabta u jiiftay sariirteeda, wajahaddeedana
shaashadda kombiyuutarka ayaa ku soo aaddanayd. Midabka
buluugga iyo caddaanka ah ayay dhex mushaaaxaysay.

Bogga Hoodo ayay gashay.

Wax warbixin ah ayay ka weydey. Niyadjab ayay faraha
dhaqaaqooda yaraysay. In yar kadib ayuu fikir ku soo dhacay. Oo
maad eegtid bogga Cambaro Dheer. Qofta magaceedii muxuu ahaa
horto? Way heshay. Sawirro dhowr iyo toban ah ayaa u sarreeya.
Cinwaanku waa ”xalay iyo baashaalkii”. Iyada oo u khajilsan ayay si
caajisnimo leh u sii taabatay sawirradii. Shan sawir markii ay dhaaftay
ayuu kii lixaad sidii dhagax la soo tuuray wejiga ka dhirbaaxay. Gidaar
in ay jiidhay ayay u malaysay.

Inta gacan afka laga geliyey, in wadnaheeda la tuujiyey ayay moodaysay.

Dhidid qabow ayaa sanka korkiisa fadh-fadhiistay.

Way u fiirsatay sawirka. Waa Hoodo.
Debnaha aadka u kala jiidan ayaa indhaheedii yareeyey. Kamaradda
ayay soo egaysaa. Agteeda waxa taagan isaga. Najax laftiisii.
Haddii ay taagnaan lahayd, joogga ayay ka dhici lahayd. Imika se wax
kale ayaa hoos u dhacay: wadnaheedii. Indhaha ayay ku sii haysay.
Kolba way libiqsataa, haddana way eegtaa. Sawirku in uu is beddelo
ayay hubisaa. Balse waa isagii, Najixii ay lahayd oo haatan la jooga
Hoodo ay oggolayd. Maskaxdeedu ma baandhayn waxa ay
qabanaayeen, wakhtigaan saamaxayn. Ruuxdeedii yarayd dareen baa
qarqiyey. Indhaheedii caddaa daruur baa hadhaysay. Calooshaa
wareegtay, laabtaa dhaqdhaqaaday. Way is hayn kari weydey, Sahra
waa ta wacday. Sahra oo aan waxba ogeyn ayaa aayar tidhi ”haloow”.
Illeyn waa qof dareen, gebigeedaba saaqee, hadalkay odhan lahayd
ayaa soo bixi diidey. Dhuunteedaan furnayn. Qasab ayay ku
bannaysay.

 Naa heedhe Sahra, miyaad gashay maanta Faysbuugga?
Sahri may filanayn su’aashaa maldahan. Haddii ”haa” ay tidhaa
dembi ayay yeelan kartaa. ”May” haddii ay tidhaa been bay sheegi
kartaa. Beenta ayay ku dhaqaaqday.
 May huuno, hee?
 Kombiyuutarkii miyuu ku ag yaallaa?
Dhinac intay u sii riixday ayay deedna tidhi:
 May huuno macaan, maxaa jirana?
Najax oo aan is dhiibayn ayaa sii wadatay.
 Naa dhegihii tilifoonka sow ku ma hadlaysid?
 Haddaba faysbuuggaaga ka gal dee tilifoonka, wax baan ku
tusayaaye.
 Oo dee huuno maad i tidhaahdid uun faysbuugga gal, i sug aan
galee.

 Ma gashay?
 Wax yar. Wuu wareegayaa. Telesomtii cuslayd weeyaane i sug.
 Ma gashay?
 Haa imikaan galay, haye?
 Cambaro Dheertii magaceeda ku qor.
 Naa maxaad aragtay haaye? Waan ku qoray.
 Sawirrada u sarreeya ma arkaysaa?
 Haa, balaayada madaxa dhuuban.
 Fur oo hore u soco.
 Alla, naa Kuusow ayaan arkaa.
 Naa iga daa waxaasoo bal hore u soco. Sawirka..
 Alla hoognay! Naa ma Hoodaa?
 Ka sheeke!
 Hadhnayeeey! Naa bal sug malaha… wallaahi waa iyadii, acuudu
billaah! Afka xun day!
 Waa xalay xafladdaasi.
 Oo dee heedhe, naa bal sug, oo waa xertii eeriboodhka ay isugu
yeedhay oo dhane.
 Miyaan garanayaaba! Ma kuwii baa?
 Naa way ka buuxaan, sow taa tii yarayd ee gaabnaydna. Naa dee
naagtu maxay u jeeddaa laakiin.
 Maan fahmin wallaahi aniguba.
 Miyey ku la soo hadashay maanta?
 Ma Hoodo?
 Haddaa ayo?
 Huuno maya, bal imikaan garaaci doonaa.
 May, iska dhaaf. Illaa ay soo hadasho la ma hadlayno.

Tilifoonkii ayay hoos u dhigtay, qaybtii ay sariirta kaga jiiftayna way
soo koobtay iyada oo jilbaha ku nabaysa beerkeeda. Dareenkii ay u
qabtay Najax waxa ka xoog batay kan ay iyadu ka heshay Hoodo.
Waxa ay dareentay in la khiyaameeyey. Way og tahay in aanu ninku
meel ugu xidhnayn, balse in Hoodo oo qorshaha ku jirtay ay arrin
noocan ah ku dhaqaaqdo ayaa dhib noqotay. Waa laga dhex
toosay. Qiil ayay u raadisaa sawirka, way u weydaa.
Waxba ma huwana, haddana way gubanaysaa. Way karaysaa.
Naxdintii ayaa weji kale qaadatay. Calooshii xanuunaysay ayaa
bogsatay. Dareenkii nooca ahaa ayaa mid kale noqday. Cadho iyo ciil
ayuu isku beddelay.

Saacadaha ayaa sida daqiiqadaha u weydaaranaya, su’aalaha aan
jawaabaha wadan ayaa ku mudan maskaxdeeda. Hal mar ayay is
rogtay intii ay jiiftay, iyada oo aan rabinna way gama’day.
Laba saacadood kaddib ayay ku toostay dhawaaqa telefoonka. Waa
Sahra.

– Naa maad huruddaa? Waannu kugu soo soconnaa?
– Adiga iyo?
– Aniga iyo Hoodo.

Xarfaha dambe markii ay dhegaheeda gaadheen waxay uga
dhignaayeen biyo qabow oo lagu saydhay. Kor ayay u boodday. Orod
ayay guriga dhexdiisa ka bilowday. Dhar aad u qurux badan ayay isku
taagtay, si degdeg ah wejiga ayay u rinjiyeysay. Afkeeda oo muddo
xidhnaa ayay qosolka u sii tabobartay. In aan laga dareemin sida ay
tahay ayay go’aansatay.

Cadceedda oo aan weli fadhiga ka kicin ayay
iyadu bannaanka u soo boodday. Wejiga baabuurka dhexdiisa ka soo
dhoolla-caddaynaya ayaa hor keenay xusuustii sawirkii xalay. Kun
su’aalood ayay rabtay in ay mar keli ah weydiiso, way se kala guri kari
weydey. Salaan ay soo qasabtay ayay si dayacan ula eegatay wejiga
Hoodo ee werwerku ka muuqdo. Kursiga dambe oo bannaan ayay si
waafi ah u fadhiisatay. Bariido iyo hadal korka laga salaaxayo ayaa
muddo lagu jirey. Waa la isu bixi waayey. Sahra ayaa go’aan qaadatay,
iyada ayaa u bilowday.

– Naa dee Hoodoy, waad og tahay oo afar maalmood war lagaa ma
helin. Arrinna waad ku maqnayd, bal dee sidii ay wax kuugu
qabsoomeen iyo wixii ku helay noo sheeg.

Cunaha ayay sifaysay intii aanay bilaabin kahor.

– Een, dee horto waa run oo arrin ayaan ku maqnaa. Weliba qorshe
aan anigu intiisa badan lahaa ayaynu ku soconnay, sow wax aad
garateen maaha?
Najax guux ma leh, gariirna iska illow. Hadalkay dhuganaysaa.
– Markaa maalintii markii aan idin ka tegay waannagii is raacnay aniga
iyo tii dheerayd. Adigu dee waan maaweelinayey illeyne, in badan
ayaan u sheekeeyey. Wax badan oo aan maalmaha qaar ku diidi
lahaana ”waa runtaa” ayuun baan lahaa. Adigu al xaasil badweyn
ayaan dhex muquurtay.

Naago yaryar, ma ba yaryaree laakiin wax sida
carruurta u dhaqmaya ayaan dhex tagey. Saddex asaasaq oo ay iyada
wax isku yihiin oo qurbaha ka yimidna way jiraan. Koox dhan oo illaa
lix naagood ka kooban ayaan toddoba ku noqday. Waxa qasab
noqotay in aan sidooda u dhaqmo. Waa dad subixii is raaca,
habeenkiina saqda dhexe uun kala taga. Inta subixii la ila haado, ayaa
sida marada guriga hortiisa la iigu tuuri jirey labada habennimo. Aniga
oo hurda ayaa haddana subaxa la i dul istaagaa. Waxay noqotay in
aan la qasto, dan ayaan ka lahayn illeyne. Iyaga in aan ka mid noqdo
ayay dantaasina ku jirtey. Horto sidaas ayaan idiin ka maqnaa.

Sahra: oo ma wakhti aan nagu soo wacdo ayaad weyday?

– Wallaahi sow maan dhaaran, haa waan waayey. Marna iyaga ayaan
la joogay, marna waan hurday. Xitaa telefoonkaygu laba cisho oo isku
xiga bilaa dab ayuu ahaa oo Ilaahay igu og yahay. Laakiin waan
qirsanahay in ay khalad tahay taasi, aniga xaaladdaydu siday doonto
ha ahaatee. Waanay ahayd in aan qoraal idiin soo qoro xitaa, balse
runtaa fiicane waxaan is lahaa way fahmi doonaan iyaguna.
Najax oo aad u aammusnayd ayaa hadal damacday.

Najax: habeen hore xaggeed ku maqnayd?
Hoodo: habeen hore, habeen hore een.. horto naagahan aan kuu
sheegayaa waa naago hawada la haysta oo noloshaba ciyaar iyo qosol
uun u haysta.

Najax:
Hoodo: dirac iyo xaflad wax aan ahayna ka ma shaqeeyaan. Imika
saddex xafladood ayaan afar habeen ku tegay. Habeen uun baannu
bilaa xaflad ahayn, habeenkaana hudheel ayay noo casho geysay.
Labada xafladood ee hore iska caadi ayay ahaayeen, dharka oo la
isugu faanayey mooyaane. Laakiin habeen hore..

Sahra: haa, taa habeen hore ka sheekee.
Hoodo: waanigan soo wadee, habeen hore, naag ayaa sii dhoofaysay.
Xafladda la qabtay waxa la yidhaa ”Good bye”. Dad akhyaar ah ayaa
imanayey, rag iyo dumarba. Show dadka imanaya, Najax ayaa ku jira.
Anigu markaa maan ogeyn. Xafladdii marka ay muddo socotay ayuu
soo galay, dee waa ta sidii gaalada la isu sal-salaamay ee dhabannada
la iska dhun-dhunkaday.

Show Kuusowgan aynu ka xaraabaysanno
dad baa ku daba tukada. Waa ta la kala jiiteyba. Isaguna maaha qof
waalane, si gaaban ayuu qof walba u salaamayey. Markii ayaa noogu
dambeysey. Muddo kaddib markii ay xafladdu sii dhammaanaysay,
ayay Cambaro Dheer u yeedhay. Malaha waxay i tusaysay sida ay
isugu dhow yihiin. Hadda naagtaa waa la qabaa!

Najax: tuma, ma iyada?
Hoodo: haa walliyo bille, beri dhoweyd ayaa la mehersaday. Laakiin
dee waxaan maqlay in ay iyada iyo isagu wada sheekaysan jireen
berigii hore. Adigu waxba yaanan hadal kugu daalline, sidaas ayay ku
dhammaatay.
Sahra: sawirro ayaad la gasheen.
Hoodo: haa markii uu sii baxayey.
Sahra: si fiican ayaad u qoslaysaye..
Hoodo: alla, waynagaa jabnay, naa ma saasaa la iigu cadhoonayaa?
Dhibku ma sawirkaa? Naa Najax, Sahra! Dee ila hadla!
Najax: naa walaal cidna kuu ma cadhoonayso. Qof xoraad tahay,
cidda aad doontana waad isla sawiri kartaa.
Hoodo: Najaxeey i dhegeyso, ninkani markii uu sii baxayey ee uu
agtayada ka kacayey, ayay Suleekhi ku tidhi..
Sahra: Suleekhi waa ayo?

Hoodo: dee Cambaro Dheer. Iyadaa ku tidhi ”Najaxoow dee sawir
na la gal”. Waxa wallaahi ah oo billaahi ah in la igu qasbay sawirka oo
aanan dan ka lahayn waxan yaree dabada buuran. Maxaad is
lahaydeen, ma Hoodaa idin ka dhex toostay?
Najax: dee mayee waannu fahmi weynay, adna waxba noo maad soo
sheegin. Laakiin dee waa caadi, illeyn ninku ninkaygii maahee.
Hoodo: naa wallaahi bay iga tahaan ku idhi walaal, haddaad i
rumaysanayso. Xaggeed ka aragteen sawirka? Yaa soo geliyey.

Najax: ”Siiq Leebal” ayaa soo gelisay dee, balaayada dheer.
Hoodo: waxaasay ka shaqaysaa taasina. Naa heedhaha haddaba,
anigu kan yaree dabadii naagaha leh ma xiisaynayo oo wallay iga
tahaye, waanad i taqaannaa Najaxeey oo maanta i ma baranayside,
qorsheheennii ma sii wadannaa? Maxaa se idiin qabsoomay idinka?
Qolkii ma la soo helay Sahraay?
Sahra: qolkii waa diyaar, haa. In aynu heshiis la galno ayuun baa
hadhay.

Hoodo: asal, weliba anigaa dhiibaya bisha koowaad lacagtiisa.
Najax: naa maxaad u dhiibaysaa, anaa dhiibayee.
Hoodo: alla miskiinsanaa, ma adaa waxba og. Naa waxaan ka imid
naago ay bahashu iska ag taal-taallo. Maalmahaa waan ladanahay.
Najax: alla maxaad wax soo aragtay!
Hoodo: naa waxaas oo dhan wax baa ka horreeya, markii uu
miiskayaga fadhiyey yarku, wuxuu noo sheegay in uu xaflad casho ah
qasriga madaxtooyada uu ku qabsanayo. Tigidho ayuu noo qaybiyey
intayadii meesha fadhiday, laba kalena waan ka soo qaaday oo waxaan
ku idhi ”keen guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa tigidho aan u geeyo”.

Najax: haye haye, warkaasaa i maree.
Sahra: naa waxba ku maad odhane Ilaahay ka yaab.
Hoodo: waa taan kaa ku go’aa, sidaasaan ku idhi. Deedna wuxuu
yidhi ”waa kee guddoomiyuhu”. Nin buu moodayey. Dee waaniga u
sheegee ku idhi ”miyaanad maqal inanta geeska Afrika oo dhan laga
xushay ee sidaa iyo sidaa ah”. Wallaahi waa taan hooyaday waayaa,

WAA QEYBTII 4AAD LASOCO QAYBTII 5AAD

About Author