Post View....

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay shirka Isbeddelka Cimillada Afrika

0
8

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay shirka Isbeddelka Cimillada Afrika ee Nairobi, ayaa sheegay in dalalka Afrika ay si isku mid ah u wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimillada, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu wajaho sidii wax looga qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar, Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, oo ay ka wada hadleen dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ay ku taageerto Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay sida uu Sanduuqu uga go’an tahay kordhinta mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan guud ahaa Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo barnaamijyadda hortabinta u leh Xukuumadda #DanQaran.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Sanduuqa Horumarinta Qatar mashaariicda muhiimka ee ay ka fulisay dalka iyo kuwa hadda socda, taasi oo qayb weyn ka qaadatay dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.
Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.
Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga.
Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.
Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.
Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

About Author