WAA QEYBTII 3AAD
baasto la moodo, in ay ku garaacdo bilowday. Najax oon fahmahayn
waxa eeggan socda ayaa aamustay. Qolka ardaagiisa hore, meel dhir
cagaaran lahayd ayaa aayar la joojay. Dhexdoodaa la istaajay, qosol
aan jirin baa debnaha ay ku dhigeen. Gacantii Sahra ee birta calanka
la mooday ayaa hortooda fidsan si ay xusuus uga reebto. “Naa
maxaad waddaan imika?” Jawaab loo ma hayo. Qolkii ayay ku
xareeyeen. Hoodaa soo tuurtay maryo.
“Bal dharkaa isku taag”.
Iyadoon ka keenin hadal, waa taa isku taagtay. Wax yaroo khatara
waa taa u eekaatay. Okiyaalo, kuwii akhriska waa taa la sudhay. Sahra
oo halkan taagani waa taa u tilmaamtay bartii ay istaagi lahayd.
Hoodaa ku tidhi “naa halkaa bal istaag, yartaadan jacaylku hayaa”.
Qosol waa la isku daray. Halkii ayay kor istaagtay. “Makarafoonka
qabso”. Dhakab waa ta siisay. “Naa Sahraay bal sawir”. Sahraa
dhawda ka saartay, waxoogaa tilmaam ahna korka waa ta u qaadday.
“Naa sida tabliiqiyiinta farta sidaa dheh, oo makarafoonka iska yara
fogee, bahalka miyaad ku cadayanaysaa?”. Way ku soo dhoweysey, si
aan loo ba arkin qolka intiisa kale. Dhabarkeeda warqaddii weyneyd
ayaa ka muuqata. Intaasaa la dhammeeyey, dharkii ayaa laga saaray,
kuwo kale ayaa loo xidhay, bannaankaa loo la baxay, in kalaa laga
qaaday. Laba saacadood kaddib, arrintii way dhammaatay. Hadal se
weli wuu hadhsan yahay.
Hoodaa tidhi “kaalay, halkan ii soo fadhiiso”. “Labada maalmood ee
soo socda, gurigii ayeeydaa ee bilaa internet-ka ahaa ayaad haatan
tegaysaa”. “Naa maxaad leedahay?”. “Dhegeyso, Sahraa ku qaadaysa
haddeer”.
Sidii waa la yeelay, Facebook-na waa laga mamnuucay. Hoodo iyo
Sahra ayaa shaqadooda bilaabay. Caweyskii markii ay ahayd ayay soo
geliyeen sawirradii ay ku wada jireen. “Safar khayr qaba Najax,
guuleyso weligaa. Shaqo khayr qabta insha Allah, we will miss you “
Subaxii dambena iyaday la hadleen. “Naa sawirradaa aan kuu soo
diray, qaybtooda koowaad soo geli, waxaanad raacisaa ‘mansha Allah
si wacan ayuu noogu socdaa shirku’, intaa kaddibna ka bax Facebookga”.
Najax oo dawakhsan, balse aad u ogsoon, in asxaabteedii wacnaa,
wanaag uun la rabaan, ayaa yeeshay sidaa. Maalintii xigtayna sawirrada
qaybtoodii labaad, oo ay dhar kaleeto xidhnayd, wajahaddeeda
wadhay. Dadku “Mansha Allah, hambalyo huuno Najax” ayuun bay
ku khafiifeen. Sahra iyo Hoodo, macluumaad wixii ay Najax kari
weydo, ayay soo qubayaan. Dadkii way u sheegeen in guddoomiye
loo doortay. In Afrikaan badan oo u tartamaayey jagadaas, keligeed ay
ka qaadday. Mashxaraddaa is qabsatay. Dadkii way u riyaaqeen, balse
waxaanay ogeyn, in magaaladan, dhinac uun ay ka joogto.
– Caawa waa habeenkii, berri ay iman lahayd. Qorshihii sidiisii ayay
Hoodo samaysay, fiidkii way soo wacday. Iyaduna way ka jawaabtay.
– Haddaad og tahay Facebook-gii waxa ka socda, ayeeydaa maad ag
jiifteen.
– Naa walaal Ilaahaaga ka yaab! Maxaad dee samayseen?
– Naa xiddig baan kaa dhignee adigu sideeda iftiin.
– Kkkkkkkkkk alla naa walaal, weligaaba ma sidanaad dhakooyinka u
degi jirtay? Wallaahi waan kaa yaabay. Lug iyo gacan ayaan kuu
taagay, shan lugood haddaan lahaan lahaa, waan kuu taagi lahaa.
– Bal dhegeyso horto, berri dee waad soo degeysaa. Diyaaradda
Kiiniya ka imanaysaa waxay soo degeysaa tobanka subaxnimo.
– Haye?
– Sagaalka iyo badhka diyaar ahow.
– Oo dabeedna?
– Dee eeriboodhkaannu ku geyneynaa, wuxu badowsanaa!
– Bisinkee ha igu qayline, miyaan dhoofayaa haddana?
– Naa mayee waad soo degeysaa.
– Sideen u soo degayaa markaa?
– lmahani hadal badanaa, naa hooyaa ii yeedhaysee, cashadii ayaan
diyaarinayaaye, berri wakhtigaa aan kuu sheegay diyaar ahow.
Gaadhigu waa Indho-cadde, afkoodu dhoolla-cadde, lebbiskuna
kaalay arag, markii ay ku soo qulquleen gurigii ay Najax joogtay.
Okiyaalaha wejiga intiisa badan qariyey ayay iska rogeen markii ay
albaabka soo dhaafeen. Daarad dhuuban ayay cagta saareen, laba
gidaar oo madhan ayaa hareeraha ka buquujinaya marka ay tallaabada
badhka ah u wadaan dhanka hore ee guriga. Salli yar ayay ku fadhidaa
markii ay ku soo baxeen, waa Najax ayeeydeed.
Sahra oo waayeelka ka hesha ayaa si kalgacal ku jiro u soo tuurtay
“ayeeyo macaan iiwarran?” Jawaab ayay weydey. Hoodo ayaa hoos ugu celisay “naa dee
islaantu waa xagga dhegahee kor ugu qaad codka”.
Sahra: AYEEYO ISKA WARRAN?
Ayeeyo: naa maxaad la qaylinaysaa? Carruurta ha naga kicine naga
aamus.
Hoodo: alla hoognay, naa miskiintu sowta ka sii dartay. Carruurtu
xaggey joogtaa?
Hadalka ayay sii wadday markii ay Najax ku soo baxday.
Najax: naayaadeheen, dee maantana ma ayeeydey ayay idin tustay?
Bal naagahan eega!
Tallaabada iyo codka ayaa la socday gacmaha jeedalka ah ee ay sida
macnaysan u wadhfinayso. Noole kasta oo goobta joogay ayaa wixii
uu hayey dhigay si uu u daawado korkeeda. Toobka garbaheeda ka
soo bilaabma ayaa soo shuban kuna dhammaada kuraamaheeda,
halkaas oo ay kabaha xadhkaha badani ka bilaabmaan. Saddexdooda
oo ay boqorraddu ka tilmaaman tahay ayaa dhankii gegida
dayuuradaha u dhaqaaqay.
Sahra: naa heedhe, dee show Kuusow uun baad u baahnayd!
Hoodo: naa ma arkaysaa horto! Inantu way sii dhalaalaysaa uun.
Sahra: balaayada kuusani, hadduu ku helo waabu ciidi.
Najax: naayaada, iga aamusa dee waan soo degayaaye, maxay
ahaayeen kuwan aan weligoodna dhoofin!
Goobtii waa la yimid, baabuurkii ayaa meel fog la dhigay. Najax ayaa
la yaabtay sababta baabuurka loo takooray. ”Naa walaal maxaad
baarkinka u dhigi waydeen gaadhiga?” Waxba ma oga. Cagaha ayaa
dhulka la saaray, shandad buuran oo xagga dambe saarnayd ayaa
gacanta loo geliyey. Hoodo ayaa dhowr tilifoon wacday. Wiil wax
fahamsan oo lebbiskii shaqaalaha xidhan ayaa u yimid. Najax ayuu la
haaday.
Albaab yar oo dhinaca ah ayuu ka geliyey, gudaha ayuu dhex
istaajiyey, ”bartan fadhiiso, marka aad aragto in diyaaradda labaad soo
fadhiisato, dadka sii baxaya uun raac”. Wuu ka dhaqaaqay. Naxdin.
Sidii ayay yeeshay, si kale ma taqaanno. Diyaaraddii koowaad ayay
quraaradda ka dhex aragtay, teedii in aanay ahayn ayay ogaatay.
Saacad wax dhiman kaddib, way soo caga-dhigatay. Naqas ayaa ka soo
booday.
“Ka warran haddii ay diyaaraddaasi hawada ku burburi
lahayd? labadii waalwaalnaa ‘wax dhintay iska dhig ayay i odhan
lahaayeen kolley’”. Way sugtay intii ay dadku ka soo dhammaanayeen
baadhitaannada kala duwan. Muddo kaddibna qof soo dagey ayay
noqotay. Shandad ayay jiidanaysay, bannaanka ayay madaxa iyo
cagaha mar u soo wada saartay. Laydha wejigeeda sida fudud u
dhirbaaxday waxa xigay dhawaaqa dhanka bidix kaga imanaya. Waa
laba cod oo ay si fiican u taqaanno iyo sagaal kale oo aanay garanayn.
Way jalleecday, way kufi gaadhay. Qosol-gariir ayay wadne-garaac ku
darsatay.
Ubaxyo kun nooc ah ayaa lagu la soo orday, qoorta ayaa
dhowr kale loo sudhay. Waa asxaab aanay si fiican isu aqoon. Way u
qaadan weydey. Soo-dhoweyn fiican ayaa loo sameeyey, Sahra iyo
Hoodo ayaa gadhwadeen ka ahaa. Iyaga ayaana kala diray markii ay
arkeen in sawirro ku filan la qaaday. Najax oo hambalyo iyo
dhunkasho lagu dawakhiyey ayaa baabuurka la fogeeyey dhex
fadhiisatay. Su’aalo badan oo ay jawaabbo u rabto ayay soo kala
horreysiisay. ”Horto heedhaha, maxaa idinka qaldan? Qofka sow wax
loo ma sheego!
Maxay ahaayeen dadkani?”
Sahra: naa dee waa dad ku soo dhoweynayey.
Hoodo: naa bal u kaadi aan u balballaadhiyee. Waad garanaysaa
”Cibaado af-dhowr” sow maaha?
Najax: dee waa tii yarayd ee.. maxaa la odhan jiray qofta? Tii dee
macallinka ku cawriday roodhida.
Hoodo: dhegeysoo, maxay caan ku tahay?
Najax: dee kun wax.
Hoodo: naagta wax kasta Facebook-ga soo dhigta miyaanay ahayn,
xitaa markay suuliga gelayso?
Najax: naa balaayada iga daayoo, waxay ugu darnayd maalintii ay soo
qortay ”aabbooy hooyo iska daa”. Innaalillaah! Illeyn wax dhintay ma
dhuuso!
Hoodo: ”Cambaro dheer”-na waad garanaysaa dee.
Najax: iyadu ninka ayay taqaannaa dee, waan gartay.
Hoodo: dhammaan naagahan meesha marayey oo dhan waxa
weeyaan kuwa ugu codka dheer Facebook-ga. Midba wax gaar ah ayay
caan ku tahay, midna way ka siman yihiin: dad badan ayaa ku xidhan.
Sahra: dee waannu adeegsanaynay. Naag waliba idaacad gaar ah ayay
u dhigantaa. Tan dheerina dee Kuusow ayay saaxiib la tahay, markaa
markay boggeeda soo geliso sawirrada, fudkii yaraa ayaa arki doona.
Hoodo: allaylehe kaasi waa fud, mise waa dhibic, naa waa dhibice
iska daa.
Najax: danihiinna haddaad ku mashquushaan ka warrama?
Hoodo: wallee tan waa lagu weyn yahay. Naa iga aamus, wax wax jecel
ayaaban nacay, keligood miyaanay dadkani noolaan karin horto!
Wallee nin ma raadsado.
Qorrax kulul ayay hadh iyo sharaab qabow isa ga dhigeen. Sheeko
aan dhammaanna dabada ayaa la qabtay. Asxaab kala maqnayd iyo
caalkeed. Qosolka iyo sheekada aan la kala sugayn, tilifoonnada
kolba hoos loo eegayo iyo okiyaalaha miiska saaran. Sahra ayaa ka
soo jeedsatay xantii, ”naa heedhaha, maxaa imika innoo hadhay?”
Najax: dee horto waan soo degay kooba dhaha, dadkii dalka sii
joogayoow maxaad haysaan?
Hoodo keligeed ayay isla baxday, way dhoofsan tahay.
Sahra: dee imika waa in aan xidhiidh la samaynaa Kuusow.
Najax: sow maaha? ”Cibaado dheer” ayaan u baahan nahay markaa
dee.
Sahra: naa taa Hoodaa ka adage, imika way hor oroddaa markay la
hadashee, iyada ayaynu wacaynaa, ninka ha soo qabato.
Najax: haa dee, dabeedna aan aragno waxa yar, socodkiisa.. yaa,
maxaan idhi?
Sahra: balaayo kula socod xumaatay! Naa iga aamus haddaba.
Hoodo ayaa soo toostay. ”U kaadiya”.
Sahra: hee?
Hoodo: xafiis ayaan u baahan nahay.
Dhulka oommani sida aannu biyaha u diidin, ayay fikirka Hoodo u
oggolaataa. Tixgelin saa’id ah ayay u haysaa. Walow ay saddexdoodu
si siman walaalo u yihiin, haddana Hoodo ayaa iyada uga dhow
Sahra. Dabeecad ahaan ayay labadoodu isu fahmeen. Sahrina waa lug
ka maqnayd oo iyaga dhammaystirta. Marka la rabo in Najax fikir laga
dhaadhiciyo, sida in safar degdeg ah loo baxo, Hoodo ayaa la soo
diraa. Iyada ayaa si gaar ah ugu sheegta. Najaxna ma diiddo. Cadho
kasta iyada ayaa burburin karta. Qosolka Najax ayaa Hoodo ku
xidhan.
Da’ ahaan way isa ga dhow yihiin Sahra. Malaha taas ayaa
sababtay in ay sidaa isugu dhowaadaan.
Bartii ay fadhiyeen ayay ku ansixisay fikirkii. Su’aasha xigta ayaa
noqotay
”xafiis sidee loo kiraynayaa?”
Sahra: oo heedhaha, xafiiska xagee ayaynu ka helaynaa?
Najax: naa xafiis la ma waayayee, lacag xaggee laga keenayaa?
Hoodo: imisa ayuu noqon karaa toloow?
Sahra: dee walaal waa ugu yaraan boqol doollar, meesha aad ka
rabtana way ku xidhan tahay.
Hoodo: waxaynu u baahan nahay mid xaafadaheennana ka fog,
suuqana aan aad ugu dhoweyn.
Najax: adigu waa in aanu boqol ka badan uun.
Sahra: naa bal suga, qol laba-af-le ah ayaa jira oo waddada ku soo
jeeda.
Najax: waddadee?
Sahra: ii sheeg dee, halkan uu ku yaallo macmacaanlihii.. een..
Hoodo: kii dhareerka lahaa miyaa?
Sahra: naa maya, kii suudhka ka weyn xidhan jiray.
Najax: ma Maxamed Soqodhi?
Sahra: haa kkkkkk Maxamed Soqodhi qolka ku dheggan maydaan
arag? Qolkii farmasiga ahaan jirey.
Dhawaaqa telefoonka Hoodo ayaa kala jaray hadal aan dhammaan.
”naa aamusa waa tiiye” ayay soo tuurtay intii aanay ka jawaabin kahor.
Haloow! Xabiibti mayee ii warran? naa huuno haa, miyaan
fadhiistayba! Adna? Hii, haye? Kkkkkk Alla Ilaahay dad badanaa!
Haye?
Sahra iyo Najax ayaa is eegay. Way sii wadatay.
Dee xabiibti waa in aan soo dhammaysannaa, ma ku soo doonaa
dee hadhow? Miyaad waalan tahay, dee sow imika halkaas uun ka
ma adeegto, ma anaa meel kaleba taga. Anigaa ku soo doonaya
qaaliyeey. Haa, haye? Imisada? Huuno macaaneey ii seexo waa
runtaaye, waa innoo hadhowe, haye.. hay.. ha.. haye macaanto.
Way dhigtay. Afar indhood oo madhan ayay fallaadhahooda
dareentay intii aanay telefoonka miiska saarin. Su’aasha aan lagu
dhawaaqin ayay ka jawaabtay.
Dee waa tiiye, Cambaro Dheer. Alla naa ba’nay, horto si fiican maan
u dhigay, yaanay i maqline? Haa, waa Cambaro Dheer.
Sahra: maxay kaa rabtaa?
Najax: maxay doonaysaa?
Hoodo: kute mayk ab ayaan soo iibsanayaaye maad i raaci. Akhas
caleeg, horto siday maanta u marsanayd ma arkayseen? Waa naagta
aay laaynarka illaa dhegta jiidday. Akhas akhas akhas.
Sahra: naa adba ma dhaantide wadoo..
Hoodo: oo naa anigu ma sideedaan ku riyoodaa, internetkaan ka
daawadaa sida loo marsadee?
Najax: naa bal waxan ka baxa oo, maxaad tidhi markaa?
Hoodo: dee waa in aan mardhow u tago, illeyn dan baan ka
leennahee.
Sahra: alla Kuusayoow kugu xiintay oo tif noqo Ilaahay idamkee, bal
naagta uu na hoos geeyey eega! Oo naa heedhe, gaadhiga aad ku
doonayso yaa leh?
Hoodo: oo dee ma sideedaan dhowr gaadhi leeyahay, dee kaagaan
kaa kaxaysan huuno.
Najax: miskiinsanaa markay wax rabto, naa bal aniga gurigii hooyaday
i geeya horto, aan dharkan igu dheggan iska saaree.
Magaalada ayay soo dhex qaadeen si ay haddana dhanka
xaafaddooda ugu arooraan. Qolkii ayay dusha ka soo eegeen, way isla
qaateen. Sahra ayaa warkiisa dooni doonta. Najaxna gurigeedii ayaa la
keenay.
Hoodo: dee waa innoo sidaas, anna aan naagtan ka dhex baxo,
Sahrina qolkan warkiisa ha soo sugto, adna Faysbuugga uun dadka
”waad mahadsan tihiin” ha u dhaafin. ”Telefoon ayaa innoo dhex ah”
ayaa lagu kala tegay.
Najax oo soo boholyowday ayaa hooyadeed macaan dhabteeda
barkatay, jidhkana maryo fudud huwisay. Xubin kasta oo jidhkeeda
ka mid ah ayaa dhaqaaqa joojisay, indhaha oo si saa’id ah u furan
ayaa hawada dhexe aragga u qaybiyey. Hooyadeed oo aan waxba