Post View....

Madaxweynaha somalia ayaa Kulan La Qaatay Hogaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

0
6

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Hogaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al Shabaab.
Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay
dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.
Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ubadka Madaxweynaha Iyo Furunta Dagaalka

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Allaha dhaafee kaligii kuma aha furunta dagaalka ee caruurtiisana waa geeyay, wiilka albaabka ka furaaya Madaxweynaha waa Abdifitah Hassan Sheikh Mohamud oo qeyb ka ah halganka Khawaarij ta dalka looga xoreynaayo. Halista ay dad badan ka dhuumanaayaan maanta ayey qoyskan u bareereen, runta hadii laga hadlana waa dhif Iyo naadir in la arkaa hogaamiye awooda in uu ubadkiisa geeyo furunta Iyo goobaha halista badan. Guul ama geeri ayey ku balameen aabaha Iyo igaarkiisa ayagoo gawaarida dagaalka saaran ee aanan baabuur raaxo lagu wadin.
Kuwi shalay lahaa Madaxweynaha gabadhiisa ayaa dhinac fadhiday maxey dhihi doonaan maanta mar hadii ubadki Madaxweynaha ee furunta dagaalkana ku garab joogaan Madaxweynaha.

Todobaatan Jir Tuutaha usita badbaadada dalkiisa iyo dadkiisa.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud isagoo awooda in uu muddo xileedka xafiiska ku dhameysto Mukeefka @villa somalia shacab kiisa ku madadaaliyo been Iyo huuhaa ayuu ka doorbiday in uu tuutaha qaato xitaa haduu kali kunoqonaayo naftiisana uhuro badbaadada dalka Iyo Dadka.
Wuxuu target ka koowaad uyahay argagixisada arxanka daran wuxuuna ugu sifeysanyahay odax isha Iyo salka uga taalo kana harsan Iyo hergali la’yihiin, isagoo intaa og ayuu qatar walba uqaatay furuntana hooy uga dhigtay. Wuxuu maanta nooga baahanyahay hiil, garab istaag Iyo duco in uu Allah ku guuleeyo halganka loo aaayi doono mustaqbalka dhaw insha allah.
“Xukunka Xasan Shiikh iyo Xalwaan lagu arkeyn Xaraar”
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo furimaha hore u jooga dardargalinta dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah iyo dhiirigalinta qeybaha kala duwan ee Ciidanka ayaa maanta Degmada Aadan-yabaal kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo furimaha hore u jooga dardargalinta dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah iyo dhiirigalinta qeybaha kala duwan ee Ciidanka ayaa maanta Degmada Aadan-yabaal kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).
Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska beddalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug
Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasilloonida degmada Cabudwaaq.

About Author